About Us
Podcast: Play in new window | Download
Maakhir Media www.maakhir.net
Wa ayyo Maakhir Media?
Warbaahinta maakhir Media waa mid kamid warbaahinta Soomaaliyeed ee adeegsata aaladda Internetka si ay usoo bandhigto macluumaadka ay ugu talagashay akhristayaasha kuwaasi oo xanbaarsan macluumaadyada kala duwan sida wararka, aqoonta, madadaalada, fikirada ama ra’yiga bulshada.
Ujeedooyinka Maakhir Media.
Maakhir Media oo loo unkay in ay ka faaidaystaan bulshada ayaa waxa asaaskeedu ku fadhiyaa ujeedooyin badan oo aan lasoo koobi karin oo ay ugu horeyso
- Soo gudbinta dhacdooyinka kala duwan ee ka dhacaya deeganada Maakhir, Somalia,Puntland, Somaliland, Bariga Africa iyo Dunida Daafaheeda.
- Kobcinta aqoonta dadka daalacda Internet-ka si ay uga faaidaan xogaha kala duwan.
- Isku xirka jaaliyada Soomaaliada ee kula firirsan dunida daafaheeda si ay ugu noqoto buundada ay isaga talaabaan.
- Ray’i wadaaga, iyo isdhaafsiga firkarada , si dib loogu saxo maanka dadka Soomaaliyed ee ay jaahwareerisay collaadu.
Anshaxa Maakhir Media
Maakhir Media, oo ay maalinba maalinta kasii danbaysa ay sii badanayaan akhristayaasheedu, waxa ay ku dhaqantaa anshaxa saxaafadda guud ee kudhisan:
- Isu dheeli tirnaanta,
- Runta,
- Cadaaladda,
- Maddaxbanaanida,
- Eex la’aanta iyo,
- Isbarbardhiga dhinacyada kala duwan guud ahaanba.
Himilooyinka Maakhir Media.
Warbaahinta Maakhir Media oo uleh hiyyi fog oo ay tiigsanayso, waxa ay mustaqbalka dhow iyo kan fogba ay ku talo jirta baahinta aalada warbaahineed ee ay adeegsato. Waxana himilooyinkaas kamid.
- Dardar galinta iyo Tayaynta Qeybta Af-ka Soomaliga ee Warbaahinta.
- Hir galinta Qeybaha kala duwan ee afafka kale, Sida English-ka iyo Carabiga.
- Soo bandhigista Muuqaalada (Video) iyo Sawirada (Images) kuwaasi oo ka turjumaya xaaladaha dhacaya.
- Balaarinta adeegyada ay adeegsato ee warbaahineed oo haatan ka kooban (Website, RSS, Facebook, Twitter) si ay ugaar siiso adeegsa agabka (FM-ka, Stallite-ka iyo TV).
Nagala soo xidhiidh
Maadaama aan xogta Maakhir lagusoo koobi karin halkan, ciddii danaynaysa waxa ay lasoo xidhiidhi karaan xarumaha kala duwan ee website- ku keleeyahay Somalia, Puntland, Somaliland, UK, iyo USA.
ama adiga oo laxidhiidhay
Maamulaha guud oo ah
Email: Webmaster@maakhir.net
Tel: 00447958160479
Ama Tifatiraha Guud
Email: sange08@hotmail.com
Tel: 00252-90-721844 ama 00252-2-4207971
Mahadsanidiin

