|

Raysal wasaaraha Dalka Ingriiska oo Ka Waramay Shirka London iyo Arimaha Looga hadlayo +Dhagayso

Play

Raysal wasaaraha ingiriiska  ayaa aad uga hadlay shirka uu qabanayo  Somaaliya inuu yahay mid  ay ugu talagaleen  in ay isu keenaan  Somaali waxaana uu sheegay in sidoo kale uu ahaan doon mid  lagaga hadli doonso Somaaliya iyo sidii loo Maalgalin lahaa shaqana loogu abuuri lahaa Shaqo.

Mr David Camroun ayaa sidoo kale sheegay in  Dawlada ingriisku ku dadaali doonto sidii ay Horumar ka samayn doonto Somaaliya waxaana uu carabka ku dhuftay in hadi shirkan laysku af garto ay muhiim u  tahay Somaaliya iyo beesha caalamka waxana uu sheegay in ay ku raja wayn yiihin in Qodoba mira dhala inay kasoo baxaan.

Sidoo kale waxaa u ka hadlay Arimaha shirkan lagu lafa gurayo isagee sheegay inay kamid yihin Burcad badeda adkaynta amaanka dalka ladagaalanka Argagixisada iyo xoojinta ciidamada amisomMar la waydiiyay Arimaha Somaaliland Mr David Cameron waxaa uu yidhi” Taas maaha in shirku ku saabsan yahayWaan jeclahay  Horumarkeed dhismaha dhaqaaleheeda dhismaha Bulshadeeda Nidaamka Dawladnimo ee ay gaadhay Somaaliland mark maaha mid Somaaliland lagu aqoonsanayo waa mid Somaaliya sidii laysugu keeni lahaa in falankeeda la galo Ajandaha ayaan ka duulaynaa“Raysal wasaraha ayaa yidhi hadalkaasi

David Camarun ayaa ugu baaqay Somaalida in ay isu yimaadaan oo kawada xaajoodaan ariha dhexyaala isagoo sheegay in matiqaadka shirkanu uu noqon doono mid Somaali heshiisye madaama ay tahay wadankii ugu horeeyay ee yuruba oo shirkan lagu qabto.

Shirka London ka dhicinoona maalinta bari ah ayaa lafilayaa in lagaga hadlo arimaha somaaliya iyadoo ay halkaasi ku sugan yihiin Madax kakala socta Somaaliya iyo Caalamka .

Maakhir Media London.

 

 

Comments are closed