|

Labadii Suxufi ee Ka Hawl gali jirtay Wargayska Ogaal iyo Royal Tv oo wali ku xidhan Xabsiga Hargaysa

Waxaa magaalada Hargaysa shalay lagu xidhay iyado  lagu soo eedeyay in ay Qoreen warar Tiri tukeen ah oo aan sal iyo raad toona lahayn,Wararka ayaa sheegaya in labada wariye looga yeedhay wasaarada arimaha gudaha kadibna lo taxaabay  xabsiga iyadoo halkaasina su’aalo laga waydinayay.

Suxufiga Xasan Cumar Xasan waxa uu u xidhan yahay ka dib markii uu Wargeyska Ogaal baahiyey Isniintii war uu ka soo xigtayShabakadda Ramaasnews, warkaasoo la xidhiidhay xeebaha

galbeedka Somaliland oo beryahaba la sheegayay in laga cabsi-qabay inay ka soo degaan kooxo Jabhadda ONLF ee dawladda Itoobiya dagaalka kula jiraa ka soo degeen Xeebta Buulla-caddo. Hase-yeeshee, maadaama oo uu xidhanyahay masuulka shabakadda warka laga soo xigtay Maxamed Boosh, waxa loo arkaa in Mr.Xasan Cumar uu xadhigiisu sharci-darro yahay.

Maxamed Cabdi Xasan (Boosh)

Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal

Labada waroye  ayaa la sheegay in 7 cisho  lagu xukumay in ay xabsiga ku jiraan kadibna la furi doona dacwadooda iyadoo ay wararku sheegayaan in loo dhaadhiciyay xabsiga wayn ee Hargaysa.

Maaha markii ugu horaysay ee Somaaliland ay wariyaal nocan o kale ah ay xidho dhawaan ayay ahayd markii wariyaal ka tirsan Horn Cable Tv ay xidheen kadib markii ay Mudaharaad ka hordhigeen Madaxtooyada Somaaliland .

Maakhir Media Hargaysa.

 

Comments are closed