|

Muran Hadheeyay Xeerka kala wareejinta Maxaabista iyo Xeerka ladagaalanka Burcadbadeeda oo la ansixiyay


Hargaysa-MMedi-Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa maanta yeeshay kalfadhi ay ku ansixinayaan Labada xeer ee ladagaalanka Burcad badeeda iyo kala wareejinta Maxaabiista  waxaa fadhiga shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada C/raxmaan ciro waxaana goob joog ahaa  51 xildhibaan.

Kalfadhigu markii uu furmay waxaa xildhibaanada loo qaybiyay labad xeer taasi oo uu gudoomiyuhu u sheegay in ay ansixiyaan labada xeer kadib hadalka Gudoomiyaha waxaa cirka isku shareeray sawaxan iyo buuq kaasi oo keenay in xildhinaanada qaar kamid ay ka  baxaan Kalfadhiga iyagoo diidan xeerarkan.

Xildhibaanadii kale ee goobta ku hadhay ayaa guda galay in ay ansixiyaan Xeerka Ladagaalanka Burcad badeeda isla markaana loo qaaday cod iyadoo ay xildhibaano gaadhay 46 u codeeyeen halka ay diiden 4 xildhibaan cid ka aamustayna aanay jirin gudomiyuhna muu codayn, halkaasina uu ku meel maray Xeerkaasi.

Sidoo kale waxaa Gudoomiyuhu usoo bandhigay  Xeerkii kale ee ahaa kala wareejinta Maxaabiista in cod la galiyo iyo in dood laga yeesho waxaan xildhibaanadu isku raaceen in cod la galiyo .

Waxaana la galay codayntii Xeerka kala wareejinta Maxaabiista waxaana xeerkaasi u codeeyey  32 xildhibaan halka ay 5 diiday 13 way ka aamuseen Gudoomiyuhuna muu codayn.

Dhanka kale waxa shir jaraa’id qabtay Xildhibaanadii banaanka uga baxay Kalfadhiga iyadoo ay shirkaasi kaga hadlayeen Sida ay uga soo hor jeedaan  xeerka kala wareejinta maxaabiista oo aay shegeen in iyadoo aan laga doodin cod lo qaaday

Xildhibaanadan ayaa sheegay in xeerka la afduubtay  kaasi oo la doonayo in qasab lagu meel mariyo waxaan ay sheegeen in xeerkani u baahan yahay in looyaro loo saro lagana dodo si uu u meel maro oo ay xildhibaanadu u meel mariyeen si ay uga doodaan.

Kalfadhigan maanta ay yeesheen Golaha wakiilada Somaaliland ayaa ahaa mid dhaliyay buuq iyo sawaxan kaasi oo ay xildhibaanada qar ka baxeen goobta doodu ka socotay .

Maakhir Media Hargaysa.

Comments are closed