Abu mansuur”waa inan dagaal kale oo ka anhoray ugujirney angalnaa si’an ujabino cadowga..
BAYDHABO(MMEDIA):-Shiekh mukhtar robow abu mansuur oo ah afhayeenka ururka xarakadda ayaa waxa uu kudhawaaqay dagaal kadhan ah,waxa uu kutilmaamay cadowga alle ee kusoduley soomaliya.
Abu mansuur ayaa kubaaqay inlakor dhiyo dagaalka lagu jiro ciidamada africa iyo kuwa dowladda KMG ah,oo uu sheegay inay u adeegan danaha rergalbeedka.
Abuu Mansuur oo la hadlaayay Boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Tababar ugu soo gaba gaboobay xarun ku taal Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxa uu ku booriyay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Dowlada KMG iyo Ciidamada kale ee bar bar socda.
Asago hadlaya ayuu yiri” Waa in la baa bi’iyo Ciidamada dowladda KMG, Kenya, Ethopia, iyo kuwa AMISOM sheegta, kulligooda waa kuso kusoo xad gudbay Ciideena, Mana laga joojin doono dagaalka.
Mas,uulkaan ka mid ah Saraakiisha Sare ee Ururka Al- Shabaab ayaa dhinaca kale ku baaqay in lala dagaalo Beesha Caalamka oo uu sheegay in ay hormuud u yihiin dhibaatooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya.
Muqtaar Roobow waxa uu sheegay in Ciidamo fara badan ay u direen Gobolka Gedo si ay halkaasi ugu saaraan Ciidamada Ethopia ee soo galay Gobolkaasi, isla markaana uu socon doono dagaalka ay Ciidamada Al- Shabaab wadaan.
Hadalkan kasoobaxay madaxda sar sare ee ururka al-shabaab ayaa imanaya ayadoo ciidamadda kenya,ethopia iyo kuwa midowga africa ee Amisom dagaal kula jiraan dhinacyo badane.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
