Dagaal Khasaaro Gaystay ayaa ka dhacay Duleedka Muqdisho
Muqdisho-MMedia-Dagaalkaani oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya gacana ka helaya AMISOM iyo Al Shabaab ayaa waxa uu xalay ku dhacay deegaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho halkaasi oo ay weerar kusoo qaadeen Al Shabaab.
Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen labo Qof in ka badana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah, iyadoo labada dhinac ay mudo is weedaarsanayeen rasaas iyo madaafiic culus.
Dagaalkan ayaa waxa uu Gaystay qasaaro aad u wayn sida ay Maakhir u sheegeen dad goob joogayaal ah oo ka agdhawaa goobta u dagaalku ka dhacay iyadoo ay sheegeen in laysu adeegsaday hubka Culculus .
Wali wax war ah kama soo bixin khasaaraha dhanka Al-Shabaab iyadoo ay wararku sheegayan in khaaase badani halkaasi ka dhacay,Hore ayaaa cidamada Dawlada iyo AMISOM ay dagaal kaga saareen Alshabaab duleeka Muqdisho.
Maakhir Media Muqdisho
