|

Ergooyin Badan oo kusoo Qulqulaya Magaalada London ee lagu qabanyo Shirka Somalida ee Magaaladasi

London-MMedia-Waxaa magaalada London kusii qulqulaya Ergooyin kala duwan oo kasoo qayb galaya shirka London ee Somaaliada looga Arinsanayo islamarkaana dhici doona 23 Bishan.

Magaalada London ee Caasimada Briten  waxaa si aada looga dareemaya Somali badan oo lagu casuumay Shirka oo kusoo qulqulaysa iyadoo sidoo kalena  ay ilaa shalay yimaadee Madaxwaynayaal ka kala tirsan Somaaliland iyo Puntland iyo wafdi balaadhan oo ay Hogaaminayaan waxaan la filayaa ila amaanta ilaa Bari inay Gaadhaan qaybaha kale ee Somaalilda Sida DKMG ee Somaaliya ,Ahlusuna.

Waxaa si aada lo hadal  hayaa aduunka shirka London ka dhici donaan Khamiista ee loo qabanayo Somalida isla markaana looga arinsanyo Xaalada iyo Dhibaatada mudada dheer Hadhaysay Somaaliya ,waxaana shirkaasi kasoo qayb galaya Ergooyin kasocoda Caalamka ,QM iyo kuwa udooda Bini Aadanimada.

Waxaa si aada looga dareemayaa  Magaalada Lonodn u diyaar Garow ad u balaadhan  oo iyadoo sidoo kalena Aamaanka si aada loo adkeeyay.

Somaalida ku sugan Yurub ayaa si aada ula socda Qaban qaabada shirkaasi taasi oo ay doonayaan in ay kala socdaan idaacada kuna han wayn yihiin in ay Rajo wanaagsan  oo Somaali oo dhan u mihin ah.

Maalinta Khamiista ee 23 bisha waxaa magaalada London ka dhici doona  shirkii mudada dheer  laga sugayay ee Arimaha Somaalida looga hadlayay waxaan shirkaasi lagu macsuumay oo ka qayb galaya Somali  badan haday ahaan lahayd kuwo maamul,Ururo,kuwa u dooda xuquuqda iyo dhamaan cid kasta oo somaali wax laga waydiinaayo.

Maakhir Media Londo.

Comments are closed