|

Shirkii Garowe2 oo soo gaba gaboobay (Dhagaysi+Sawiro)

Play

Garowe February 18, 2012—–Shirkii Dastuur u sameynta Soomaaliya ee loogu magac daray Garowe2 isla markaana magaalada Garoowe ka soconayay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa caawa saq dhexe la soo gabogabeeyey iyada oo lagu gaaray heshiis buuxa oo ku aadan Nidaamka dalka lagu dhaqayo, Nooca Baarlamaan ee uu yeelanayo iyo weliba hirgelinta Mabaadii’dii Garowe.

Xaflad aad u heer sareysa oo caawa ka dhacday xarunta Jaamacadda PSU ayna ka soo qeybgaleen dhamaan madaxda Soomaalida oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaankan Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha Galmudug Mudane Maxamed Caalin, iyo hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaacah.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Ambassador Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay, Wasiirka Awqaafta iyo arriimaha Diinta ee Dowladda Jabuuti Mudane Xaamud Suldaan, kuxigeenka Ambassadorka midowga Afrika ee Soomaaliya Hon. Wafula Wmanyiyi iyo ergooyin kale oo matalaysay beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole oo ugu horeyntii munaasabada ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay jireen caqabado fara  badan balse alle mahadiis markii dambe looga gudbay is faham iyo is qancin, isaga oo si gaar ahna u xusay in heshiiskani uu yahay mid u qalma masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Punt land D.r C/raxmaan

Sidoo kale, Ambassador Mahiga oo goobta ka hadlay ayaa ku bilaabay hadaladiisa “Wey hagaagtay, waana la guuleystay, dhamaanteena waxaanu nahay kuwo guuleystay” ayuu si kaftan ah u yiri wuxuuna dhanka kale dadweynaha u sheegay in markii la saxiixay heshiiskan uu durba la xiriiray xoghayaha guud ee Q/midoobay Bankimoon uuna u sheegay in Soomaalidu heshiisay.

“Markii aan u sheegay Bankimoon in la heshiiyay, wuxuu igu yiri waa arrin wanaagsan, hadda ayaana u sheegayaa adduunka oo dhan” ayuu mar kale yiri isaga oo xusay in sidoo kale uu ku wargeliyay heshiiskan Mr. Jing Ping oo ah guddoomniyaha midowga Afrika.

Madaxweyne Shariif oo isna ka hadlay heshiiska caawa ayaa ku tilmaamay mid taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed kuwa gudaha iyo kuwa dibaddaba ay ku farxi doonaan.

Madaxweynaha Dalka Somaliya Sh.Shariif

Wasiirka Dastuurka Somaliya

Dhanka kale, dhamaan madaxda Soomaaliyeed waxay dadweynaha hortooda ku saxiixeen heshiiska

Waxaana kamid ahaa qodobada Hishiiska ay wada saxiixeen:-

Yaraynta tirada xildhibaanada Baarlamaanka oo la isku raacay in laga dhigo 250.

Ansixinta Dastuurka oo laysla qaatay in ergooyin 1000 gaaraya oo bulshada qaybaheeda laga soo kala xulay ay u codeeyaan.

Sameynta gole 54-xubnood ka kooban oo Baarlamaanka ka sareeya.

Iyo nidaamka maamul ee dalka oo laysla gartay in laga dhigo Federal ku salaysan 18-kii gobol ee horay u jirey.

waxaana xusid mudan in heshiiskan uu kaga duwan yahay heshiisyadii hore marka laga tago in gudaha dalka Soomaaliya uu ka dhacay, haddana waxaa la saxiixay caawa saqda dhexe abaara 12:00 ama, waxaana ugu dambeyn xafladu ay soo gabogabowday 01:00 pm.

Daawo Sawiradii Gaba gabada Shirka

Xigasho Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Comments are closed