|

Madaxwaynaha Somaaliland iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay Magaalada Hargaysa iyagoo ka qayb galaya shirka lonod

Play

Hargaysa-MMedia-Madaxwaynaha Somaliland ayaa manta u dhoofay Cariga Ingriiska isagoo ka qayb galaya Shirka London ka dhici doona bIsha Labaaad 23 keeda waxaan wafdiga madaxwaynaha ku weheliyaya Sadexda Gole Qaran,Xisbiyada Qaranka iyo Arimaha Bulshada .

Waxaa sii sogootiyay Wafdiga Madaxwaynaha Madaxwayne ku xigeenka Somaaliland Qayba kamida wasiirada ,Xildhibaaanda Guurtiad ,Wakiilada iyo Bulsho aad u badan .

Madaxwaynaha ayaa Saxaafada kula hadlay Qolka Nasashada ee Garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal Internation  ee Magaalada Hargaysa  halkaasi oo uu uga warbixiyaya Socdaalkiisa London  iyadoo saxaafadun Su’aalo ka waydiiyeen”Agu Waxaanu u aadaynaa shirka in aan ka sheegno Qadiyada Somaaliland si aanu Dawladaha caaalamka anu ugu gudbino waayo fursad baanu haysanaa aanu ku gudbino qadiyada Somaaliland marka waanu ka qayb galayanaa waana ogtihiin Labada Gole ay Ansixiyeen in Shirkasta oo somaaliland dani ugu jirto ay ka qayb gasho”Sidaasi waxaa yidhi madaxwaynaha Somaaliland .

 

Madaxwaynaha ayaa salaam ka qaatay ciidamada Somaaliland intii aanu ka dhoofin Garoonka kadibna waxaa uu raacay Diyaaradii loogu tala galay in ay ka qaado Garoonka isaga iyo wafdigii uu Hogaaminayay .

Ambabaxa Madaxwaynaha ee london ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ansixiyeen Golaha wakiilada iyo guurtida in shir arimaha Somaaliya looga arinsano ay ka qayb gasho Somaaliland iyadoo sidoo kalen ay tahay  markii ugu Horaysay ee Somaaliland ay ka qayb gasho Shir Arimaha Somaaliya  looga hadlayo iyadoo shirkana lagu qabanayo  Magaalada London ee Cariga Ingiriiska  halkaasi ay kasoo qayb galayaan Ilaa 40 dawladood oo ka kala yimi Dunida  .

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed