|

qurbajoog kormeer ku maraysa gobalka sanaag

wafdi baaladhan oo u hogaminayey maxamed qalib siciid ayaa kormeer kusoo maray meela kamid ah gobolka sanaag wafdigan oo isugu jiray qurbajoogta gobolka sanaag ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo dhalinyaro iyagu kunool gobolka sanaag ayaa socdaalkooda ka soobilaabay degaanka cawsane iyagoo halkaasi kula kulmay dadka deegaanka wafdigu waxa uu usii gudbay dhanka magaalada midigale iyagoo halkaas kormeeray xaalada waxbarsho ee deegaanka sidoo kale wafdigu intii uu kusugnaa halkaas waxaa uu booqday beeraha kuyaal duleedka magaalada. inaas kadib wafdigu waxay u kicitimeen dhanka magaalada badhan iyagoo halkaas kula kulmay waxgaradka aqoonyahanka iyo odoyaasha deegaanka ,waftiga oo muhiimda socdaalkiisu ahayd eegista iyo lakulmida dadka gacanta ku haya goobaha waxbarashada .nasasha kadib wafdigu waxa uu booqasha ku tagay jaamacad maakhir university .socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xii xaalad waxbarashoo ee gobolku aad u horumartay.
booqashadatan ay ku yimaadeen qurbajoogtu ayaa wxaa la dhihi karaa inay ay tahay dadkii deegaanka oo usoo jeedsaday wax ka qabashada deegaanka ay asal ahaan kasoo jeedaan waftigu waxa uu sii wataa weli safarkiisii waxaana uu iminka ku sugan yihin degmada xingalool .
mar uu la hadlayey maxamed qaalib maakhir media waxa hadaladiisi kamid ahaa
” waxaanu kormeernay goobaha waxbarashada ,waxaana aragnay xaaladu sida ay tahay .waxaan ulala laaban doonaa dadka qurbaha jooga oo aana usuurta geliin iany yimaadaan dalka ” qaalib.
sikastoo ay ahaato waxaa la dhihi karaa booqasadan inay timi wakhtio loo baahnaa

maakhir media

Comments are closed