Qarax ismiidamin ah ayaa Gilgilay Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho
Qaraxan oo ahaa mid xoog badan oo laga maqlayay daafaha magaalada ayaa lala eegtay Xarunta Dambi baadhista ee CIDda kaasi oo ahaa mid is miidamin ah.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa islamarkaana lala eegtay xarunnta CID -da ee magaalada Muqdisho sidoo kalen wararka ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhawaca balse aan wali la xaqiijin khasaaraha dhabta ah.
Qaraxan is miidaaminta ahaa ee gaadhiga laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay xarunta CID-da iyadoo Xarunta Dambi Baarista CID-da ee ciidammada Booliska ayaa ku taalla Nawaaxiga isgoyska Km4 ee Muqdisho waxaan ay sidoo kale ka soo horjeeda xarunta Hargaha iyo Saamaha ee ay kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaacidda horey qarax Ismiidaamin ah oo ay arday badan ku dhinteen la beegsatay.
Khasaaraha uu dhaliyay qaraxani waxaan idinku soo gudbin doonaa wararkayga kale insha alaah na dhowra.
Maakhir Media Muqdisho.
