|

Madaxwayne Shiirkh Sariif oo soo gaadhay Maanta Garowe

Madaxwaynaha Dawlada kumeel Gaarka ah Shiikh Shariif ayaa soo gaadhay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland iyo wafdi balaadhan oo ka tirsan xukuumada DKMG ee Somaaliya.

Madaxwayne Shariif iyo wafdiigiis ayaaa soo dhawayay Mas’uuliyiin tira badan oo ka tirsan madaxda ka qayb gelaya shirka Garoowe-2 ayna kamid yihiin madaxweynaha Puntland, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyo Augustine Mahiga.

Madaxwayne DKMG ee Somaaliya ayaa ka qayb galay shirka looga arinsanyo Dastuurka Somaaliya isla markaan ay hore u joogen Raysal wasaaraha Somaaliya C/wali maxamed Gaas iyo xubno wasiiro iyo xildhibaano ,shirkan oo wajigiisii 3ad manta lagu jiro kasi oo qodobadii shalay gabalku ka dhacay maanta dib laysugu soo laabtay lagana doodayo.

Madaxwayne shariif ayaa Imaanshihiisani noqonayaa tii 3aad ee uu ku yimaado Garoowe  Booqashadii kowaad waxaa uu joogay saacado halka uu tii labaaadna joogay mudo  2 maalmooda  iyadoo uu maanta soo gaadhay isla magaalada Garowe halkasi oo ka qayb galayo shirka Ka socda Magaaladasi.

Maakhir Media Garowe

Comments are closed