|

Golaha wasiirada DKMG ee Somaaliya oo kulmay iyo Raysal wasaarihi Hore ee Norway oo ka qayb galay

Muqdisho-MMedia-Waxaa maanta kulan yeeshay Golaha wasiirada DKMG ee Somaaliya iyadoo kulankaasi uu hogaaminayay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka gaashaandhiga islamarkaana ah kusimaha Raysalwasaaraha Somaaliya .

kulankan oo ahaa kii caadiga u ahaa Golaha wasiirada oo ay maalin kasta oo khamiisa ay ku kulmi jireen ayaa waxaa ay kaga hadlayeen  Maamul wanaga iyadoo uu kulankaasi Goob joog ahaa Raysal wasaarihii hore ee Dalka Norway isla markaana uu kulankan kaga hadlay Maamul wanaaga iyo Horumarka.

Kusimaha Raysal wasaraha Somaaliya ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay kadib kulankii sheegay in khabiir dhanka maamul wanaaga ahi uu maanta shirka joogay kaasi oo ahaa Raysal wasarahII hore ee Dalka Norway “Waxa uu nagala talinayay Khabiirkani dhanka maamul wanaaga iyo Horumarka isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imanshihisa Muqdisho waxaana uu sidoo kale ka hadlay in uu aad u la yaabay Horumarka ay ku talaabsatay DKMG ee Somaaliay”Sidaasi waxaa yidhi kusimaha Raysal wasaaraha Somaaliya.

Kulankan aya ahaa kulan si aada u qiima lahaa maanta iyadoo uu ka qayb galay Raysal wasaarihii Hore ee Norway kaasii oo ah khabiir dhanka Maamul wanaaga iyadoo uu kala taliyay arima badan oo ku saabsan maamul wanaaga isla markaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka Dawalada kumeel gaarka ahi ay ku taalbsatay.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed