|

ururka icg oo sheegay inay san dowlada kenya,sisharci ah aysan kusoogalin gudaha somalia.

NaIrObIi(mMeDIA)Kooxda xasaradaha caalamiga ah (ICG) ayaa ugu baaqday dowladda Kenya in ay ka soo baxdo Soomaaliya oo ay diyaariso istaraatiijiyad aan lagu dheerayneyn joogitaankeeda dalka.

Warbixin ay kooxdu soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada militariga Kenya looga baahan yahay in ay ku deddaalaan qaabkii ay dib uga soo laaban lahaayeen Soomaaliya, si looga hortago in ay xaaladdu ka sii darto.

Cabdullaahi Booru Halakhe oo ah falanqeeye ka tirsan laanta ICG ee geeska Afrika ayaa sheegay in howlgalka ay Kenya qaadday uu markii horaba ahaa mid aan ka dhameystirneyn xagga siyaasadda, diblumaasiyadda iyo militariga.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in weerarrada maleeshiyada al-Shabaab lagu hayo ay ka dhalan karto aargoosi argagixisannimo oo ay ku kacaan.

Kenya ayaa ciidankeeda u dirtay Soomaaliya bishii October ee sanadkii tegay ee 2011-ka si ay ula dagaallamaan kooxda al-Shabaab oo ay ku eedeysay in ay gudaha waddankeeda ka geysteen afduubyo.

mohamed abdulahi khalif(shiine)

maakhir media

Comments are closed