|

Gabay “Caqli malahan Soomaali”‏

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu
Salaanta islaamka kabacdi Illaahay baa mahadi u sugnaatay mutaabacona nabigiisa suuban ee Muxamed c,s,w. Intaas kabacdi waxaan halkan ka salaamayaa shaqaalaha
shabakada Maakhir.net iyo dhamaan soomaaliwayn meelkasta oo ay dunida ka joogaan. Waxaan jeclaystay inaan caawa halkan kusoo gudbiyo tix gabay ah oo aad u
gaaban oo la yiraahdso “Caqli malahan soomaali” tixdan waxaan curiyay 02.06.2007 xiligii ciidamada Ethopia Muqdisho galeen, inkastoo aan dhowr meeris oo ciidamada
Kenya iyo Uganda quseeya caawa ku kordhiyay.
 

Caqli malahan soomaaliyoo waa cawaan falane
Calankoodii ciil bay badeen kuna canaadeene
Ciidoodii way iibsadeen cadowna siiyeene
Cizadoodii iyo sharaftii bay ciida dhigayaane
Curadkoodii bay laynayaan oo ciribta gooyeene
Caruurtoodii bay gawraceen kuna casheeyaane
Cafiifado Illaah dhowray bay cadow u keeneene
Cadradihii xijaabnaa tigree cunay u geeyeene
 

Cawaankii sawaaxiliga bay cudud ka doonteene
Cayayaan yugaandhaysa bay carar la, aadeene
Canltalyaaga gaalkiyo cadaan bay cuskanayaane
Cadowgooda bay hadiyo goor daba carraabaane
Carradoodii waa ay gubeen calaf la,aantooda
Caasumadii qurxoonayd wallaan cidi u xiisayne
Cudur aan la garan bay qabaan laga caalwaaye
Cuqdad baa ku beerane Alloow adigu noo caafi
Cido cidiyo reer hebel Alloow Caadil naga shaafi
Cilmi iyo waxgarashona Alloow gali cuquusheena
Calwasaad ma fiicnee dadyahow towbad aan celino
Calaalaha aan hoorsanoo Caadil aan barino
Cayman mayno jeeraan dhamaan Eebe u catowno
 

Cirifkayga aan caawa duco culus inoo meersho
Caadil aan inoo tuugo ee celiya aamiinta
Caziizow Illaahow tigree balo ku cayntaari
Cududooda jabiyoo Allow cudur kusoo boodo
Ciiduna ku oloshoo Rabow uu caawa wada fuuro
Ciidankooda aan layno oon caanad laga reebin
Calankooda hoos yeel Alloow cayrna laga yeelo
Carar iyo qax Eebow u keen cayri idilkoodba
Caasumadooda aan dago Rabow oon gooyo ciribtooda
Caruurtooda diin baro Alloow oon laayo curadkooda
 

Caqli-laawe Malzow Ibliis ceejo kugu oofsay
Calooshaada cuduraan la garan Caadil ku asiibyay
Cuqdad iyo u dhimo Aydhisoo Rabbi ku caas caasyay
Ciidankii Illaahay ku qaadyoo cagaha kuu siibyay
Caawimona ha helinoo Illaah ciirsi kuma siiyo
 
Cantalyaagii buushow Illaah cudur xun kuu keenyay
Calankaa dhacyoo belo Illaah kugu casuun heedhe
Calafkaa dharyoo dunida dhaaf Caadil ku halaagyay
Caaqii balayroow inkaar ciirsan ku haraysay
Casarkii ku qaadoo Illaah caawin kuma siiyo
Cuqdadlaydii Gondalaariyoy diintu ku candhuuftay
Caradii Illaahay mudoo caawa ku hanqaartay
Cishahana ha dhaafinoo Raboow cilad ku asiibto
Cadowgii Illaahayow dhamaan cudur ku aafeeyo

Aamiin aamiin aamiin

Eray bixin; Gondalaariyo waxaan ula jeeday “Gondalice rice” tii Bush xiligiisii joogtay

Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji yuusuf “Dhalkheyr”
Emeil: dhalkheyr@hotmail.com

Maakhir Media Network

Comments are closed