|

Madaxwaynihii Hore ee Daahir Riyaale oo dalka dib ugu soo laabtay

Hargaysa-MMedia-Madaxwaynihi Hore ee Somaaliland Daahir Riyaale kaahin ayaa dalka dib ugu so laabtay iyadoo ay so dhaweeyen masuuliyin k atirsan xisbiga Mucaaradka ee UDUB iyo shacanb aad u badan oo luxalayay calanka Xisbigaasi.

kadib imaanshihisa waxaa  uu gacan qaaday dhamaancidii soo dhawaysa iyadoo kadibna loo galbiyay dhanka qolksa nasashada ee uu garoonku leeyahay iyadoo uu halkaasin saxaaafada kula hadlay”Waxan u imi dadkayga iyo dalkayga waaan caadi inaan soo laabtaa marka waxaan kaloo idin sheegayaa in  doona in aan damiyo khilaafka jira oo aan xisbiga sidii lagu yaqanay aan hal mid ka dhigo sidoo kale  xaalada nabad galayada dalkuna waa muhiin,in xirirka jaarka la ilaaliyaanw axaa ku xidhan Nabadgalyada marka  sidaasan idin sheegyaa waxaad kaloo iw aydiseen Gobolada bari ee Somaliland taasin waxaan idinka leeyahay dagaalku ma haboona  mana ficna in dad dagaal lagu qaada maxaa lagaga dagalaama waaba meel cidla ahe waxaan dhamaan tacsi u dirayaa dadkii halkasi ku dhintay e reer Somaliland ahaa iyo Cidanka Qaranka Somaliland”sidaasi waxaa yidhi Daahir Riyaale Kaahin.

Kdib markiiu u saxaafada la hadlay waxa  loo galbiyay dhanak gurigiisa oo ay galbinayeen kumanaan gaadiid ah oo ay wateen Tageerayaasha xisbiga udub.

Daahir riyaale kaahina ayaa kusugnaa dalkadibadisa tan iyo waagiii uu wareejiyay xilka madaxwayne nimo iyadoo imaanshihiisan ay kusoo beegmayaan xili uu khilaafk ka dhec aloolsan yahay gudaha xisbiga kasii oo uu shegay in uu damin doono khilaafkaasi.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed