Safaarada Turkiga ee Somaaliya ku ledahay Muqdisho oo shaacisay in ay bilaabayso Dulimadadeedi Bisha Sosocta
Shir jaraa’id oo uu muqdishi ku qabtay Ambastorka u fadhiya Muqdisho dawlada turkiga Camalutin Kani Torun ayaa sheeegay in ay bilaabayaan duulimaadadii u dhaxeeyay Muqdisho iyo Istanbul bisha soo socta ee March 6 ilaa 7 kaasii uu sheegay in ay toos halkaasi u tagi doonto iyagoo is ticmaalaya diyaarada Turkish Airways.
Amb:Camalutin Kani Torun ayaa sheegay in ay dawalda Turkiga horay u balan qaaday in ay bilaabayso dulimaadkeeda isa markaana ay doonayso in ay ka faaidaystaan dhamaan dadka Somaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaana uu sidoo kale shegay in Diyaarada Turkish Airways ay ka shaqayso wadama badan oo calamka ka mid ah iyadoo daabusha dadka kala aadaya qaaradaha aduunka.
Ambastorka ayaa ka dhawajiyay furitaanka duulimaadka u dhexeeya Muqdisho iyo Istanbuul ayaa waxaa uu sheegay in ay kasoo qayb galayaan Raysal wasaraha Turkiga iyo wafdi balaadhan oo u hogaaminayo taasi oo la filaayo in ay xadhiga ka jaraan.
Amb:Camalutin Kani Torun waxaa uu warbaahunta ugu waramay Aqalka safaarada ee Dawlada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Inta badan Dawlada Turkigu waxay caawimaad soo gaadhsiisaa Dadka Somaaliyeed tanina waxay noqonaysaa Fursad cajiba oo ay dadka somaaliyeed ka faaidaystaan wana dawladii ugu horaysay tan iyo waagii ay dhacday dawladii dhexe ee Somaaliya in diyaarad Muqdisha ka dhoofta oo wadan Kale laga leeyahay ay aado dalkii laga lahaa marka laga reebo diyaarado meelo badan si mara oo dadku ka racaan mid kale.
Maakhir Media Muqdisho.

