|

(Dhagayso) Gudomiyaha laasqoray oo ka warbixinaya Maydad kusoo caariyay Deegaankaasi

Play

Bossaso (M Media) Gudoomiyaha Degmada laasqoray oo waraysi gaara siiyay Warbaahinta Maakhir Media ayaa waxaa uu ka warbixiyay Maydad Tahriibayaal oo Mudooyinkii Udanbaysay kusoo caarinayay Deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadkaani oo tiradoodii ugu horaysay ayagoo mayd ah ay kusoo caariyeen Xeebta Car carta oo 70 KM Laas qoray Bari kaga aadan iyadoo tiradoodu ay gaaraysay ilaa 14 qof markii ay Taariikhdu ahayd 09-02-2012.

Yuusuf Jaamac Dibad Gudoomiyaha Degmada Laas Qoray ayaa waxaa uu intaasi ku daray in tira kale ay kusoo caariyeen Xeebaha Deegaankaasi Maalintii Shalay waxaa uuna sheegay Gudoomiyuhu inay ay tirada guud ee dadkaani ay gaaraysay ilaa 26  ruux oo qaarkood iyagoo nafi ay kujirto loola cararay Magaalada Bossaso waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay Gudoomiyuhu in ay dhamaan Maydadkii aaseen.

Mar aan wax kawaydiiyay Gudoomiyaha cida kharashka ku bixisay asturaada Maydka dadkaani ayaa waxaa uu tilmaamay in Shacabka Deegaanka iyo Maamulka Degmaduba aysan ukala harin sidii loo aasi lahaa Maydadkaani.

Gudoomiyaha Degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Dibad ayaa waxaa uu ugu dabbayn Warbaahinta Maakhir Media ugu warmay Xaalada Deegaankaasi waxaa uuna sheegay in aysan Deegaanadooda kajirin wax Tahriib ah iyo Burcad badeed toona Balse ay Dadka iyagu ku kadsoomay Arimaha Tahriib ay Maydkooda aasayaan hadii ay lakulmaan Dhacdadaani oo kale isagoona intaasi kudaray in Xaalada Guud ee Deegaanku ay tahay mid aad uwanaagsan.

Halkaan ka dhagayso Waraysiga Gudoomiyaha Degmada laasqoray Yusuf Jamac Dibad

Tahriibayaashaani kusoo Maydadkoodu ay kusoo caariyeen Xeebaha Laasqoray ayaa waxaaa ay qayb kanaqonayaa Dadka Naftooda ku biimeeya Bada iyagoon khibrad sidaasi usii durugsan ulahay Dabaasha taasi ay sababto meeshii ay nolol fiican ka raadinayeen inay Naftooda waayaay.

Cabdiraxmaan Sanka

c.raxmaan.sanka@gmail.com

Maakhir Media Bosaso

Comments are closed