Shirka wadatashiga Dastuurka Qaybtiisa Labaad oo Garowe ka furmaya
Garowe (M Media) Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in Magaalada Garowe ee Xarunta Punt land uu ka furmo Shirka wadatashiga Dastuurka Wajigiisa Labaad.
Wufuud ka kala socota Beesha Caalamka Dawlada Fadaraalka Soomaaliya iyo Madax kala ayaa waxaa ay kusoo qul qulayaan Magaalada Garowe si ay uga qayb galaan Shirkaas la filaya inuu Saacadaha soo aadan ka furmo Magaalda Garowe ee Caasimada Punt land.
Amaanka Guud ee Magaalada ayaa aad loo adkeeyay wadooyinkana aad ayaa loo hajaayay si wufuuda aragooda uu usoo jiito Muuqaalka Magaalada Garowe ee Caasimada Punt land waxaa la sheegay in Maamulka Degmadu ay waaya aragnimo ka dhaxleen Shirkaan wajigiisii hore haatana ay ugu diyaar garoobeen sida ugu wanaagsan diyaargarowga.
Dhamaanba waxaa maanta la fasaxay goobaha waxbarashada ee Magaalada waxaana Gabi ahaanba xiran school-da , Malcamada , Jaamacadaha , iyo Bareefyada iyadoo si aad ay dadku ugu Hawlanyihiin soo dhawaynta Masuuliyiinta ka qayb galaysa Shirkaasi.
Wufuud fara badana ayaa waxaa ay soo gaarayeen Magaalada Garowe Maalmihii lasoo Dhaafay iyo Maantaba iyadoo ay Magaaladana kusugan yihiin Wufuud ka socota Galmudug Qaramada Midoobay Dawlada Faderaalka Kumeelgaarka Soomaaliya waxaana lasugayaa Wufuudkale oo shirka kaqayb galaysa.
Sikastaba ha ahaatee waxaa Saacadaha soo socda la filayaa inuu Shirkaasi si toosa u furmaya iyadoo Masuuliyiin fara badan oo shirkaasi kaqayb galaysana ay kusugn yihiin xarunta Jaamacada PSU oo shirku uu ka dhacayo.
Maakhir Media Garowe
