|

Dhaawaca anbassador maxamed cal ameriko oo looqaday wadanka talyaaniga,kadib dhawac kasoogarey shilgaari.

NAIROBI(MMEDIA):-Dhaawaca safiirki soomaaliya ee magalaadda nairobi ayaa lagu waramaya inlooqaaday dalka talyaaniga kadib markii dhawaan uu kudhawacmay shilgaari.

Wararka ayaa waxay ka soo baxayaan sababaha loogu qaaday Magaaladda Roma, taasoo sabab looga dhigay in lagu soo hubin doono xaaladiisa cafimaded, kadib markii Cisbitaalka Nairobi loogu sameeyay laba jeer oo qaliimo ah.

Warar taasi ka duwan ayaa waxay shegayan in xaaladda cafimaded ee Danjire America ay tahay mid aanu u wanaagsaneyn sidii hore, isla- marakana sidaasi daraadeed ayaa waxaa la-sheegay in loogu qaaday Magaaladda Roma, bacdamaa ay caafimaad ahaan ka tayo wanaagsan tahay Nairobi.

Qaarkamid ah shaqaalaha Safaarada Soomaalida ee Nairobi, ayaa sheegay in xaaladda Safiirka ay tahay mid wanaagsan, balse wuxuu sheegay in dalka Talyaaniga loogu qaaday in lagu soo hubiyo,sida loo- kabay Danjiraha.

Waxana intaasi wararka kudarayaan inay wanaagsan tahay xaalada safiirka laakin ladoonayo inlahubiyo xaaladiisa caafimaad, iyo sida uu ukabmay.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed