Madaxweynaha Galmudug oo ka waramay wariye lagu afduubay deegaanada Galmudug
Madaxweyne-Caalin-oo-ka-hadlaya-wariye-maraykan-ah-oo-ku-afduuban-Galmudug.mp3Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliyeed ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo uu waraysi la yeeshay Xoghayaha guud ee Ururka warbaahinta casiraga ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somja ( Somali Online Media and Journalist Association) Mr. Mohamed Ali Abdi (Royter) ayaa uu madaxweynuhu uga waramay halka uu ku danbeeyey weriye u dhashay dalka maraykanka oo dhowaan kooxo burcad ahi ka afduubeen xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Galkacyo qaybta uu ka arimiyo maamulka Galmudug.
Caalin waxaa uu sheegay in maamulkiisa oo kaashanaya dadka dega deegaanada Galmudug ay ku hawlan yihiin sidii ay xoriyadiisa ugusoo celin lahaayeen weriyahaasi u dhashay wadanka Maraykanka oo hada la sheegay inuu ku afduuban yahay deegaano baadiye ah oo hoos yimaada degmada Hobyo ee koonfurta gobolka Mudug.” wariyahaasi waxaa lagu afduubey deegaanada Galmudug kooxaha burcada ah oo dhib badan oo markii maraakiibtii ku adkaadeen dhankii beriga usoo jeestey ayaa qafaashay arintaasi waanu ka hawl galay anagoo kaashanayna dadka deegaanka waxaana rajeynayaa sida ugu dhakhsaha badan inaan xoriyadiisa ugu soo celino” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin.
SOMJA ayaa wax ka weydiisey Md Caalin inuu ka war qabo xaalaada caafimaad ee wariyahaasi waxaana uu sheegay in xaaladiisa uusan si rasmi ah uga warhayn xiligan balse ay jiri karaan xanuuno kasoo wajaha dhanka cimilada” aniga xaaladiisa caafimaad si rasmi ah ugama warqabo lkn waxaan dareemi karaa inay jiri karaa dhibaatooyin kaga imaanaya la qabsan waaga cimilada iyo cuntoyinka uusan baran ee ay siinayaan dadka haysta” sidaasi waxaa yiri Maxamed Axmed Caali madaxweynaha mamulka Galmudug.
Gabagabadii Maxamed Axmed Caalin wuxuu baaq ujeediyey bushada reer Galmudug waxaana uu ku booriyey inay ku dedaalaan sidii ay usoo badbaadin lahaayeen wariyahaasi ” bulshada Galmudug waxaan ugu baaqayaa meelkasta ha joogeene inay ka qayb qaataan sidii aan isoo deyn lahayn weriyahaasi oo sharafteenu kujirto hadaan soo dayno” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey madaxweyne Maxamed Axmed Caalin.
Hadalka madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan deegaanada maamulka Galmudug lagu afduubey nin weriye ah oo u dhashay dalka Maraykanka oo lagu nagacaabo Micheal Scott Moore kaasoo xiligan gacanta ugu jira kooxo burcad ah oo la sheegay inay ku haystaan deegaano hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Mr.Mohamda Ali Abdi(Royter)
Maakhir Media Network
