Alla ha u naxariistaa waxaa Geeriyooday Eng Axmed Guure OO Ku Geeriyooday Muqdisho
Kadib dhaawac culus oo kasoo gaarey qaraxii Hotel Muna ayaa waxaa Allaha u naxariistee ku geeriyoodey Maalinimadii Shalay magaalada Muqdisho Eng. Axmed Guure oo ahaa siyaasi caan ah oo kasoo jeeda deeganada Sanaag iyo Haylaan isla markaana horey u ahaa gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland.
Eng. Ahmed Guure wuxuu ahaa nin u ololeeya midnimada Soomaaliyeed isla markaana aad uga dhex muuqdey siyaasada mideyn ummada Soomaaliyeed. Axmed Guure wuxuu wax kusoo bartey dalka Kuweit, wuxuu ahaa xubin kamid ah SSDF islamarkaana ahaa madaxii ururka SSDF ee imaaraadka Carabta dabayaaqadii 70meeyadii iyo bilowgii 80meeyadii, kadibna wuxuu soo noqdey hogaamiye/hogaamiye kuxigeenka ururka USP wixii ka dambeeyey 1990kii.
sidoo kale sanadki 2001 waxaa uu noqday Gudoomiyiihi baarlamanka ee Puntland wakhtigii Jama cali jamac kadibna waxaa uu u wareegay Magaalada Muqdisho isagoo halkaasina ka noqdey Xildhibaan.
waan idin soo gudbin doonaa Taarikhdiisa insha alaah
Alla ha u naxariisto Aamin
Maakhir Media Muqdisho
