Dowladda ruushka oo sheegtay inay gacan kagaysanayso lagaalanka al-shabaab iyo burcad badeeda.
NAIROBI(MMEDIA);-Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inloobahan yahay inwakhtigani loosoo jeerto xalada dalka soomaliya,ayna tageer santahay deddaalka ay waddo beesha caalamka ee ku aaddan sidii Somaliya loogu heli lahaa xasillooni.
wakiilka gaarka ah ee xukuumadda Ruushka u qaabilsan Afrika Mikhail Margelov ayaa mar uu magaalada Nairobi kulan kula qaatay madaxda Kenya,gaar ahaan madaxweyne Mwai Kibaki oo isla soo hadal qaadeen howlgalka militari oo ay Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa waxay ka codsadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay qadariyaan qorshaha ciidamada Kenya kaga mid noqonayaan nabad ilaaliyeyasha AMISOM.
Mr.Mikhail Margelov ayaa xusay in looga baahan yahay adduunyada in ay ka shaqeyso nabadda Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la fududeeyo sidii qaxootiga Soomaalida loo dejin lahaa goobaha la nabadeyay ee dalka.
Wuxuuna intaasi raaciyay in Ruushka ay gacan ka geysan doonto helidda nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya oo uu sheegay inay labada mushaakil ee ugu weyn kataagan yahin, burcad badeed iyo argagixiso.
Ugu danbeynti ayaa waxaay sheegtay dowladda ruushka inay markasta gacan kageysan doonto ladagaalanka labda mushaakil ee katagan soomaaliya.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network
