|

FahFaahinka soobaxaya dagaalo culus oo ilaa manta kasocdey deeganada kaxda,iyo wadada iskuxirta afgooye iyo muqdisho.

MUQDISHO(MMEDIA):-
ciidamada amisom iyo kuwa dowlada KMG ah ayaa ujahaystey saka dhanka wadada iskuxirta afgoye iyo magaalada muqdisho waxana dagaalo culus kudhex maray ururka al-shabaab.

Dagaaladan oo ahaa kuwo deeganada kudhow siweyn usameyey, waxana dhawaqa qoryaha waweyn kadhacay laga maqlayey magaalada muqdisho iyo deganada hoos imaada kaxda.

Dagaalada ka soconaya Deegaanka Kaxda ayaa waxay
yihiin dagaalo culus oo leesku adegsanayo qeybaha kala duwan ee hubka, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkii degnaa Deeganka Kaxda ay isaga barakaceen, dagaalo culus oo ka
qarxay awadeed.

Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda
Midowga Afrika ee Amisom, oo maanta hujuum xoogan saaray Xoogaga Shabaab, ayaa waxay
dagaalada uga qabsadeen dhul balaaran, iyadoo dhinaca kalana ay dagaaladu labada dhinac ka soo kala gaareyn khasaarooyin
kala duwan.

Ciidamadda Amisom oo maanta dagaalo xoogan kula wareegay Deegaanka Cali Janaale ee duleedka Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay ka tuurayaan hubka
ridada dheer ee BM-ka.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladu ay khasaarooyin kala duwan ka soo kala
gaarayaan dhinacyada
dagaalameysa iyo shacabka, inkastoo aan faah faahin dhab
ah laga heyn khasaraha guud
ee ay dagaaladu geysanayaan, hadana waxaa jira meydad iyo dhaawacyo qaarkood la-geeyay
cisbitaal Madiina.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada ku qabsadeen Deegaanka Kaxda, hase yeeshee warar madax banaan ayaa waxay shegayan in weli labada dhinac ay isuhayaan Deganka Kaxda.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed