|

23 kadib waxaa dibu Habayn lagu samaynayaa Makhtabadii ay Dawlada Masar ku lahayd Magaalada Hargaysa

Hargaysa-MMedia-Iyadooo ay mudo 23 sano ah ay bur bursanayd Maktabada Dawlada maser ay kulahayd  Magaalada Hargaysa ayaa waxaa dib dayactir loogu sameyay maktabadaasi.

Waxaanu maanta booqnaya  xarunta ay ku taalo maktabadaasi iyadoo ay ka socotay hawlaha dhismaha dayactirkaasi isla markaana ay joogeen masuuliyiin kala duwan oo kasocday dawlada masar oo uu ka mid yaay Qunsulka u fadhiya Masar u fadhiya Dawlada Jabuuti Mahamed Al Amiir iyo Maamulaha Maktabada Sayd Maxamuud Samiin.

 

Masuuliyiintani waxay nooga warbixiyeen  sababaha keentay in  dayactir lagu sameeyo Maktabadan ay leeyiin iyadoo mudo 23 sano  ah xidhnayda ,wakhtigii la xidhayna ayayd 1986 xiligii ay sii liicaysay dawladi dhexe ee Siyaad bare.

 

Dayactirkan lagu samaynayo Maktbada ayaa waxaa ka danbaysa  iyadoo xirirka Masar iyo Somaliland uu hagaagsan yahay isla markaana ay wadagaan dhanka waxbarashada taasi oo ay dawlada masar ay usoo dirtay Macalimiin

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba Qunsulka u fadhiya Dawlada Masar Dalkaasi jabuuti ayaa nooga waramay Sababaha keenay dibu haybaynta maktabada iyo waxa lagu soo kordhinaayo waxaana uu yidhi “ iman shahayagani waxaa uu ka mid yahay Xidhiidhka soo jireen ah oo ka dhaxeeya Wadamada Masar iyo Somaliland xidhiikaasi oo ah mid horumarineed  iyada dardar gelintiisuna bilaabantay oo ka dib markii uu wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland iyo wafti uu hogaaminayaa ay tageen Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar iyaga oo kulamo kula yeeshay Masuuliyiinta Xukuumada Masar ,xidhiidhka labada Dal waa soo jireen, hada anagoo ah Masuuliyiinka socda Safaarada Masar ay ku leedahay  Dalka Jabuuti waxaana doonaynaa in aa dib dhis ku samayno Maktabada oo loo dhamaystiro dhaamaan agabkeeda , waxaanan ku soo kordhin doonaa , Akhrisaka , Buugaagta Duubista Badhiga Madadaalada,  Maktabadani waxaa ay noqondoonta mid ka horumarsan sidii ay ahaan jirtay Mudo haatan laga joogo 23 sano .

Maktabadan laga leeyahay Dalkaasi masar eek u taala magaalada Hargaysa ayaa waxay xidhayd mudo 23 sano ah iyadoo la xidhay kadib markii ay dhacday dawladii dhexe ee Somaliya  iyadoo wakhtigaasi ahayd  mid wax lagu akhristo isla markaana soo bandhigi jirtay aqoon badan oo ay dadka Somaaliyeed ka faaiday san jireen .

Mudadaasi kadib waxaa dayactir lagu samaynaayaa Maktabadaasi iyadoo ay ka qayb qaadanaysaan Masuulyiinta dawlada Masar oo ugu horeeyo Qunsulka Jabuuti u fadhiya Masar

Comments are closed