Ururka al-shabaab oo markii ugu horaysey sheegay inan loogu yeeri karin al-shabab, iyo sababtay ugu biiren alqaacida.
NAIROBI(MMEDIA):-Ururka al-shabaab ayaa markii ugu horaysey kahadlay kubiritanki aykubiren ururweynaha al-qaacida,waxana aysiweyn usheegen inay lamadobeen ururka caalamiga ah.
Gudomiyaha Mamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada
Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdala, oo ka qeyb-gallay banaan-bax balaaran oo kadhacay Magaaladda Marka ee
Gobolka Shabeellaha Hoose,laguna tagerayay ku biirista AlShabaab ee Al Qaacida, ayaa wuxuu ka hadlay sababta ay AlShabaab ugu biirtay kooxda tunka weyn ee Al Qaacida.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu tilmaamay in Xarakada AlShabaab ay ku soo duushay sida uu yiri Gaallo oo dhan, isla-markaana wuxuu tilmaamay in
dhinac walba laga soo
kubaareeyay/Go’doomiyay,taasina ay kentay inay kubiiraan Ururweynaha Al Qaacida.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa wuxuu tibaaxay in Gaallada oo idil ay isa soo baheysatay,
taasina waxay kentay buu yiri inaan anagana isbaheysi la-
samey nayno walalaheyna Al
Qaacida, oo uu shegay inay walaalo ku noqdeen Alle Dartiis.
Dhanka kale ayaa waxaa uu gudoomiye sheegay inan loogu yeeri karayn al-shabab laakin loogu magacaabo ururka al-qaacida,waxana uu hoosta kaxariqay inay wixi hada kadanbeya lagu magacabidoono ururkani alqaacida.
Asagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu siweyn usodhaweyey inay ururkani aqoon siweyn kaheleen islamarkana aykumidoobeen ladagalanka waxa uu kutimaamay cadowga alle.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in
maanta ka dib ay ku dagaalami doonaan magaca Al Qaacida,
bacdamaa sida uu yiri ay bixin ka yihiin Dallada Al Qaacida, oo uu sheegay inay ku mideysan yihiin
kooxo badan.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
