fanaanka muslimka ee yusuf islam oo dooxa hees ka qaadi doona
fanaanka caanaka ah ee muslimka yusuf al islaam ayaa hees ama nashiido ka qaadi doona matxafka fanka islaam ka ee magaalada dooxa sida ay sheegtay hay’ada dhanka fanka u qaabilsan dalkaasi qadar .
waxaa la sheegayaa in uu helay faanaankani qaabilaad heerkeedu sareeyo isagoo soo jiitay dad aad u fara badan waxaana lagu tilmaamayaa xaflada tan tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo lagu qabto guud ahaan mandaqada bariga dhexe sida laga soo xiganayo hay’ada matxafyada ee dalkaasi qadar
waxaa uu si kadis ah usoo baxay yusuf isagoo si ayaableh ugu luuqaynaya nashiidada dalacal badru calaynaa isago weliba qaab cusub ugu luuqaynaya nashiiidatan oo ah mid aad ugu weyn dhegaha muslimiinta xasuusisana wakhtigii uu nabi muxamed NNKh uu so galay madiina isagoo muhaajir ah .
yuusuf al islaam ayaa ahaan jiray nin gaal ah una dhashay dalkaasi britain waxaase uu qaatay diinta islaamka sanadii 1977 isagoo markaasi joojiyey gebi ahaanba heesaha iyo fanka laakiinse waxa uu si tartartiiba ah ugu soo laabtay sanadiihiiii sagaashamaadkii .
maakhir media
