Madaxwayne Caalin”Waan la dagaalamaynaa Burcad badeeda Somaaliada
Madaxwaynaha Maamul Goboledka Galmudug Max’ed Axmed Caali ayaa sheegay in ay dawaladiisu la dagaalami doonto Burcad badeeda Somaalida ee ka qawlaysata xeebaha Somaaliya iyo kuwa ka fogba .
Mar uu madaxwayne caalin u warmayay warbaahinta ayuu ku sheegay in ay la galayaan Burcada dagaal ka dhan ah”Dhibaatoyin badan ayay ku hayaan bulshada iyo caalamkaba marka waa in aan la dagalanaa si ay u yaraato Afduubashadooda“Sidaasi waxaa yidhi Mr Caalin.
dhawaan ayay ahayd markii Garoonka diyaaraha ee magaaalada Gaalkacayo laga afduubtay Nin maraykan ah oo halkaasi ka soo dagay isla markaasna lala aaday goobaha burcadu ay ka taliso ,Sidoo kale burcada ayaa inta badan ka qawlaysata xeebaha Somaaliya iyo kuwa ka baxsanba si uga afduuubtaan markiibta Gooshaysa xeebahaasi waxayna ka qaataan lacag badan ooo malaayin dollar gaadhaysa.
Maakhir Media Gaalkacayo.
