|

Kulan ku saabsan nabadaynta Baargaal iyo Caluula oo Bossaso Lagu qabtay.

Bossaso (M Media) Kulankaani oo ay isugu yimaadeen waxgaradka kasoo jeeda Deegaanada Baargaal iyo Caluula loogana hadlayay Amaanka Deegaankaasi ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Kulanka oo looga hadlayay si loo xaliyo Khilaafaat ka jira deeganada Baargaal iyo Caluula oo ka dhashay Dilkii Xildhibaan Bile Max’ud Yuusuf ayaa waxaa ka hadlaya Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Egn Max’ud Xaaji Saalax waxaa uuna sheegay in kulankaani uu yahay mid ku taagan wadiiqada saxda ah maadaama colaadu ay dhaanto Nabadgalyada iyo Amniga.

Wasiirka ayaa waxaa uu dhanka kale sheegay in hadii waxwalba ay kusoo gaba gabooobaan siidii la rabay ay tahay guul Taariikhdana ay Baal dahaba ka galayso isagoona intaasi  raaciyay in ay Odayasha uga fadhiyaan sidii ay arintaasi usoo afjari lahaayeen hadii ay kuguulaysan waayaana ay taasi tahay caqabad muuqata.

Wasiirka ayaa waxaa uu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay inay muhiimada kulankaani uu isugu yeeray ay tahay in laga feejignaado dhibaato halkaasi ka dhacda isla markaana Maslaxada laga wada shaqeeyo.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka halay odayaal Nabadoono iyo waxgarad kale waxaa ayna dhamaantood bigaadiyeen Nabada iyagoo ku balan qaaday inay ka sheeqaynayaan inaysan dhibtaasi sabab unoqon dhibaato hor leh ayna rajaynayaan inay dhamaato dhibtaasi.

Mid kamida waxgaradkii Kulanka kazoo qayb galay ayaa waxaa uu sheegay inay inbadan kasoo fakareen waxa uu wasiirku isgu yeeray isagoona wasiirka u sheegay inaysan ogayn wax dhibaato ah oo hada ka aloosan deegaankaasi  isagoona hoosta ka xariiqay in arinta dilka Xildhibaanka aysan ahayn mid faraha ka baxday balse faraha lagu hayo ayna rajaynayaan inay guul kusoo dhamaato.

Kulankaani ayaa waxaa uu imaanayaa iyagoo January 27 lagu dilay Barta kaantaroolka ee Magaalda Bargaal Xildhibaan lagu Magacaabi jiray Bile Max’ud Yuusuf waxaana uu noqonayaa mid lays dhihi karo Amaanka deegaankaasi  ayuu qayb kaqaadanaya.

Maakhir Media Bossaso

 

Comments are closed