|

Midkamida Kaamamka Bossaso oo Deeq lasoo gaarsiiyay.

Bossaso (M Media) Kaamka Ugbaad oo kamida kaamamka barakacayaasha ee magaalada Bosaso ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay deeq ka kooban alaabo kala duwan.

Dadka barakacayaasha ayaa waxaa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin deeqdaani lasoo gaarsiiyay oo isgu jiray teendhooyin , bustayaal , macuun iyo alaabta sinitayshinka.

Deeqdaani ayaa waxaa kaamka Ugbaad soo gaarisiisay Hay’ada Bisha cas iyagoo gacan ka helayay gudiga kaamkasi waxaana deeqadaani kawarbixisay gudoomisada kaamkaasi Ugbaad Faadumo Jaamac Diiriye  waxaa ayna sheegtay agabkaani inuu yahay deeq fara badan oo fara badnidooda lakala garan waayay.

Gudoomisada ayaa waxaa ay sheegtay in Hay’ada Bisha cas ay daaha ka qaaday cuqdad laga qabay dadka Kaamkaasi oo laga faafiyay waxyaabo uusan ku sifaysnayn waxaa ay hoosta ka xariiqday  in la xaqiri jiray iyadoo loo fiirinayo Qabiil ahaan waxaa sidoo kale ay sheegtay inay kamid ahaayeen waxyaabihii Kaamka laga faafiyay in lagu tilmaamay Dadka Kaamka Dad Dagaal badan oo dagaaltoy ah waa sida ay hadalka u shigtaye.

Dhanka kale waxaa ay sheegtay in dadka waxaasi faafiyay ay yihiin beenlowyaal iyadoona intaasi ku dartay inay soo dhaweenayan dhamaan hay’adaha deeqaha u keenaya oo Bisha Cas ay kow katahay.

Warbixin ku saabsan Deeqda la gaarsiisay Kaamka Ugbaad

Deeqdaani ayaa waxaa Hay’ada Bisha Cas ay uqaybisay qaar kamida Dadka Barakacayaasha ah ee kunool Kaamka Ugbaad oo inta badan ka qadi jiray Deeqaha la qaybiyo Kaamamka waxaana ay deeqdaani Kaamka Ugbaad u furaysay Jawi ka badalan kii ay horay ugu jirtay.

Sawirada waxaa nasoo gaarsiiyay Axmed Siciid Cali (Indha Cadde)

Maakhir Media Bossaso.

Comments are closed