|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo saaka hortegay Golaha Wakiiladda, kana war bixiyay Xaaladaha amniga dalka+Sawiro

Hargaysa-MMedia-Wasiirka arrmaha Gudaha Somaliland Maxme Nuur Caraale Duur ayaa maana warbixin la xidhiidha xalaadaha Nabad-gelyo dalka ka horjeediyay Aqalka Wakiilada Somaliland.

Wabixintan oo Wasiirka kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Nabadgelyada dalka waxa uu ugu horay kaa hadlay shaqaaqo sanadkii hore Dabayaaqadiisii a dhacday Gobolka Sanaag, taasoo uu sheegay inay dawladu si adag uga hawl gashay sidii lagu soo afjari lahaa “ Gobolka sanaag waxa ka dhacay mashaqo laba beelood dhex martay, taasoo xukuumad ahaan aanu si adag uga hawlgalnay, waxaanan ku guulaysanay inaanu mudo shan iyo afartan maalmood ah ku soo afjarno arintaasi, anago dadkii ka dambeeyay qaarkood gacanta ku soo dhignay, qaarna wali ku daba joogna, inkasta oo aan wali Maxakamad la hor keenin kuwii la soo qabtay”ayuu yidhi.

Wasiirku sidoo kale waxa uu ka hadlay shaqaaqada ka taagan Deegaamada Buuhoodle “Arrinka Buuhoodle waxaa muhiim ah in wada hadal lagu dhameeyo, xukuumad ahaana waxa naga go’an inaanu wada hadal la galno mushamaca Reer Buuhoodle oo ah dad reer Somaliland, waxaanan aaminsanahay inaan qori caaradii waxba lagu xalin Karin, anagoo ka xun wixii dhacay iyo khasaarihii meesha ka dhacay”ayuu yidhi.

 

Wasiirku mar uu ka hadlayay sababihii ay Xukuumadu isu hortaagi wayday shirka taleex ka hor intii aan maamul goboleedka lagaga dhawaaqin, waxa uu yidhi“Shirka taleex waxaanu ogolaanshiyaha u siina waxa uu ahaa mid beel reer Somaliland ahi ku shirayso, laakiin shirkii waxa ka soo baxay dhibaato, deegaankaana waxa ka jira laba dhibaato midi waa dhulka, midna waa tabasho, walina arrimahaasi waa qabyo, waxaanan jecelahay in arintaasi iyadoo aanu gacmaha is haysano Xildhibaanada deegaankaasi ka soo jeeda aanu xalinteeda galno”.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay inay sanadkan ay  Kordhinayaan tirade Ciidamada amniga dalka  gaar ahaan Bilayska, taasoo  uu sheegay inuu  h ayo misaaniyada Sanadkan ku baxaysa ciidamada cusub ee hada laqorayo la kaashanayaan Hay’ado caalami ah, iyadoo sanadkan loo kordhiyay miisaaniyada ay Hay’adaha amniga wadanka.

Ciidamada la kordhinayo oo  uu wasiirku sheegay ciidam  in loo tababarayo boolis caadiya  iyo saraakiil Bilays, si loo tayeeyo Ciidanka Bilayska oo kaalin muhiim ah ku leh ilaalinta amniga gudaha dalka.

Wasiir Duur waxa uu ku dooday in Xaalada amniga dalku marayso meel fiican, marka laga tago shaqaaqada Bariga “Xaalada amniga wadanku meel fiican ayay maraysaa, laakiin way jiraan waxoogaa yar oo Caalamkaba ka dhaca, gaara ahaan arrimaha Bariga”.

Waa markii ugu horeeysay ee uu horyimaado Golaha wakiilada tan iyo intii loo doortay xilka wasiirnimo iyadoo uu ka warbixyay xaalada nabad galyo ee dalka.

Salebaan Cabdi Cali

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed