Xaflad loo qabtay Ardada Schoolka Imaamu Kisaai oo Bosaso Lagu Qabtay.
Bossaso (M Media) Xaflad siwayn loosoo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen Maamulka Shcoolka Imaan Al kisaai ayaa waxaa lagu qabtay gudaha Magaalada Bossaso.
Xafaladaani ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo uu kamid ahaa Gudoomiyaha Waxbarasha Degmada Bossaso Culimaa’udiin Waalidiin iyo Marti Sharaf kale oo ay Aqoonyahanadu kamid yihiin.
Xafladaani ayaa waxaa intee badan ay ardada Schoolku kusoo bandhigoon waxyaabo katarjumaya aqoontooda iyo qaabka uu Schoolku udiyaariyo Ubada waxyaqaani waxaana kamid ahaa waxyaabihii ay soo bandhigeen gabayo af soomaali ah nashoodo iyo halkaasi qaar kamida ardadu ay kasoo jeediyeen khudbadao Carabi iyo English isugu jira.
Mamuuliyiintii kasoo qayb gashay Xafaladaani ayaa waxaa kamida ahaa SH.C/laahi Xusen Ciise oo kamid ah Gudiga Waalidiinta ee Schoolka Waxaa uuna halkaasi kasoo jeediyay baarujin dhanka Cabside alle ah isagoona soo hadal qaaday in looga baahan yahay Bulshada inay ku sabraan waxbarasha diinta aale isagoona sheegay ina abiyadii alle subxaanahu watacaalaa ay muujiyeen Sabir si ay udalbaan Cilmiga dadkana usii gaarsiiyaan.
Dhanka kale Sheekha ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan Waalidiinta Macalimiinta iyo Ardada ay dushooda saaran tahay amaano looga baahan yahay inay gutaan Maadaama cilmigu uu yahay wax qaali ah.
Sidoo kale waxaa Xaflada ka hadlay Aqoonyahan Cali Ismaaciil waxaa uuna si qota dheer uga hadlay tarbiyada Caruurta isagoo sheegay in Cunigu hadii uu guriga ka hagaago uu waxbarashadana ku toosnaanayo waxaa uuna intaasi ku daray Aqoon yahanku in waxbarasha xoogeeda la saaro dhanka Aasaaska ee dugsiga hoose maadaama wixii aasaaska ka hagaaga loo badan yahay inuu hadhowna hagaago.
Maamulaha Schoolka Mudane C/qaadir Buubi Max’ed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ka hadlay Waxyaabaha loo aasaasay Schoolka iyo goorta la aasaasay waxaa uuna sheegay in Schoolka loo aasaasay Bulshada Sanadku markuu ahaa 2005 isagoo Dugsi quraan ah loona badalay Dugsi hoose dhexe Taariikhdu markay ahayd 11-9-2008 codsi fara badan oo bulshada iyo waalidiinta dhankooda kayimid awgii.
Dhanka kale Maamulaha ayaa waxaa uu ka hadlay waxqabadyada Schoolka isagoona hoosta ka xariiqay in Schoolku uu ardada mudo kooban ku xifdisiiyo Quraanka ilaahay idinkii waxaa uuna intaasi ku daray Maamule C/qaadir Buubi Max’ed in waxyaabaha kale ee schoolku uu qabto ay kamid yihiin tayada wabarasha Caruurta oo waalidku uu markhaati kayahay.
Maamulaha schoolka aya waxaa uu tilmaamay in sanadkaan ay soo kordhiyeen Maqal iyo Muuqaal ay ardadu ku qaadanayaan MaadooyinkaCarabiga English Sayniska waxaa uuna sheegay Maamuluhu inay soo kor dhiyeen waxbarashada dadka waawayn iyo korsooyin loogu tala galay Aradada danaysa waxbarashada caruurta aan waxbarashada hoose soo qaadana uu schooku u hayo waxbarasho kooban oo dugsiga hoose lagu baranayo Mudo 2 sano ah.
Sikastaba ha ahaatee Xafladaani oo gaba gabadeedii Abaalmarino iyo shahaadooyin la gudoonsiiyay ardadii kaalmaha kowaad ka gashay dhanka quraanka Mawaada aasaasiga ah iyo kuwo kuqaatay Abaalmarinta akhlaaqdooda oo wanaagsan ayaa waxaa ay kusoo gaba gabowday jawi aad udaga.
Maakhir Media Bossaso
