|

Maxay uga soo qayb galayaan Cadami iyo Gacamay Xafladii ay dhalin yarada Golaha Calmadow ku macsuumeen (Warbixn)

Dhalinyarada Golaha Calmodow ayaa munaasabad balaadhan oo ay u qabteen  Suldaan siciid C/salaan iyo wasiirada Somaaliland waa cadami iyo Gacamay iyo xildhibaada golaha wakiilada iyo cuqasha joogta Hargaysa  waxana xaflaadi kasoo qayb galay  xildhibaanada Golaha wakiilada oo ay ka mid yihiin Baar Siciid Farah ,Jiir Cismaan Bulqas ,C/qaadir Jamac xaamud iyo caaqilo dhalinyaro badan iyo xubnaha Golaha calmadow.

Munaasbadan oo ahayd  mid aad u saraysa  halkaasina laga soo jeediyay hadalo kala duwan oo lagag hadlayay mandaqada  waa Gobolka sanaage iyadoo  dadkii halkaasi ka hadlayay ay aad uga hadleen waxqaba la’aanta dalka iyo sidii wax loogu qaban iyo waxbarashada caafimaadka iyo dhamaan adeegyada kala duwan ee bulshada.

ugu waxaa halkaasi ka hadlay xidhibaan jir oo aad uga shekeeyay  deegaanada gobolka sanaag isagoo sheegay in gobolka ay muhiim tahay in wax loo qabayto isla markaan la tayeeyo adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka ,sidoo kalena waxaa iyana meesha ka hadashaya Baar siciid  farah oo xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada  kana tirsan xisbiga mucaaradka ah ee udub ayaa si aada uga hadashay  iyana deegaan una mahad calisay dhalin yarada ku casuuntay xafladina.

Hadaba iyoadoo lagu macsuumay  masuulyiinta dawlad aku jira ee wasiirada ah iyo suldaanka maxay tahay sababta ay uga soo qayb gali waayeen ,waa suaalaha ay is waydiinayaan dhalintii goobta joogtay iyo xubnaha Golahaba.

Xafladan oo looga hadlayay ayaaha iyo dhalinta Gobolka sanaag iyo deegaanada Maakhir ayaa waxaa haba yaraatee kasoo qayb galin dadkii loogu talagalay in ay  hogaamiyaan dhalinyarada  islamarkaana y  ku biiriyaan fikirkooda   wasiirada Degeenka iyo gaashaandhiga ayaan kasoo qayb galin  munaasbada iyadoo ay sabab uga dhigeen in ay  kujiraan hawlo u qaaska balse ay diidayeen in ay  horyimaadaan dhalinyarada .

mar aan wax ka waydiinay arinkaasi  Gudoomiyaha Golaha calmadow ayaaa sheegay in  wasiirada ay soo sheegtay cudur daar markii la gaadhay  wakhtiga xaflada balse aanay soo sheegin xili hore oo munaasba  waanu ka tashan lahayn ayuu yidhi  Maxamuud oo ah gudoomiyaha Golaha Calmadow .

hadba wasiirada Somaaliland ugu jira  gobolka sanaag ayaa inta badan ka dhuunta meelaha lagu hadal hayo gobolkaasi iyado aad moodo in ay la dhumanayaan waxyaalo kala duwan oo ka hor imaanaya xilka ay k ahayaan somaaliland ,taasi oo noqon karta su’aalo ay waydiiyaan dhalinta goobta isugu timi ee wilal iyo hablaba ahi.

Suldaanka ayaaa isna kamid ahaa  dadki aan imaan goobta lagu macsuumay iyadoo ay wararku sheegayaan in suldaanku usoo dhiibtay cudurdaar islamarkaana ay dhalintu doonaysay in ay waraysi dhinacyo badan la yeelato suldaanka balse ay suurtoobi wayday in suldanka la waraysto madaama uu kayimi dalkii kuna sugan yahay hargaysa,

Wasiirada ugu jira Somaaliland Gobolada Haylan iyo Sanaaga ayaan inta badan waxba kusoo kordhin deegaanadaasi iyadoo ay dadku intabadan saluugasan yihin xilalka ay hayaan iyo waxqabad la’aanta waxaan dhawaan ay u anbabaxeen deeganada Gobolka sanaag iyo Hayalaan halkaasi oo ay socdaal kusoo kala abixyeen aan waxba soo faaidayn taasi oo keentay in ay sii kiciso dadki deegaanka oo iyagu awalba afkooda daboolayay.

habada miyaan lays orankarin  shacabka reer sanaag waxay doonayaan is badal iyo horumar ka duwan kii hore  dhalinta Golaha calmadowna waa dhalin u taagan in ay wax u qabtaan hadii ay helaan gacan caaawisa  dadkooda  iyo dalkoodaba islamarkaana ay kasoo horjeedaan waxkastoo wax u qabanayn deegaanadi  Maakhir.

Naga filo dhawaan sawiro iyo codod xafaladii Golaha Calmodow

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed