Ururka midowga africa oo sheegay inay dhamaatay rajadii wadahadalka al-shabaab ayna kubireen ururweynaha alqaacida.
Ururka midowga africa ayaa warbixin aysoosareen waxa aysheegen inay ladagaalami doonan ururka Alqaacidada al-shabaab.
Warbixintani uu soo saaray Guddiga Nabadda iyo Amanka ee Ururka Midowga Afrika, ayaa waxaa lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika uu si buuxda leh uu argagaxiso ugu aqoonsaday kooxda Xarakada Al Shabaab.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay inay dhimatay rajo laga qabay in Xarakada Al Shabaab
lagula heshiisiiyo Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, maadama ay yihiin dadka Somaaliyeed, ayna
ka taliyaan dhul Soomaaliyeed oo
aad u balaaran.
Warbixintaan ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika uu la-dagaalami doono
Xarakada Al Shabaab, bacdamaa ay noqotay koox argaaxiso ah,
ayna dagaalo kula jiraan argagaxisada, oo uu sheegay inay halis ku tahay adduunka oo
dhan.
Sidoo kale shacabka
Soomaaliyeed ayaa waxaa loogu baaqay inay taageeraan
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo ololaha balaaran ee lagula dagaalamaayo kooxda argagagxisada ah ee Xarakada Al
Shabaab.
Sidoo kale Guddiga Nabadda iyo Amanka ee Ururka Midowga
Afrika, ayaa wuxuu Beesha Caalamka uu ugu baaqay inay sii
kordhiso taageerada ay siineyso Ciidamada Midowga Afrika ee
Amisom, oo dagaalo xoogan kula jira Xarakada Al Shabaab.
Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika oo si
weyn ula yaabay markii ay Xarakada Al Shabaab sheegtay
inay ku biirtay kooxda
argagaxisada ah ee Al Qaacida, ayaa wuxuu guddigu sheegay
inay si buuxda leh ugu
aqoonsadeen koox argagaxiso
ah.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network
