nugaal oo hanatay koobka k/cagta ee puntland galabta
Ciyaar xiisa badan oo lagu soo gabagabeynayay tartanka Ciyaaraha gobolada Puntland ayaa maanta ka dhacday garoonka kubada cagta ee Mire Awaare Garowe, waxaana ciyaartii finalka ay dhexmartay gobolada Nugaal iyo Karkaar.
Ciyaarta oo ahayd mid lagu soo afmeyrayay tartanka koobka ciyaaraha gobolada Puntland ayaa waxay ahayd mid aad u xiis badan taasi oo ay daawashadeedu ay ka qeybgaleen taageerayaal fara badan oo ka kale yimid dhammaan xaafadah kale duwan ee Garoowe, halka sidoo kale ay soo xaadireen taageerayaal badan oo Karkaar ah.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa ay ku soo dhaaatay labo gool iyo waxba oo ay ciyaarta ku hogaamineysay gobolka Nugaal.
Balse qeybtii labaad ayaa Karkaar ay cadaadis saareen Nugaal waxaana ay soo barbareeyeen labadii gool ee looga hormaray.
90kii daqiiqo markii ay dhamaatay waxaa la isla tagay rigoorayaal, waxaana lix iyo shan ku badisay gobolka Nugaal.
Nugaal ayaa haatan hanatay koobka ciyaaraha gobolada Puntland oo ay martigelinayeen.
source:laacib .net
