|

Wafdi Ka Socda WFP oo uu weheliyo Fanaanka caanka ah ee 50 Centa ayaa soo gaadhay Degmada Doolow

Wafdi ballaaran oo ka socda hey’adda Cunnada aduunka ee WFP oo uu wehliyo fanaanka caanka ah ee 50 cent ayaa booqasho ku tagay degmada Dooloow Soomaaliya, iyagoo  halkaasi kula kulamay dadka deegaankaasi.

Wafdigani ka socday hey’adda WFP ee gaaray degmada Dooloow Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyay fanaanka caanka ah ee 50 cent, waxaana degmada Dooloow ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha degmadaasi, saraakiisha ciidammada dowladda iyo dadka deegaanka.

Wadfiga WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa booqday xarumo Waxbarasho iyo deegaannada ay ku nool yihiin dadka degmada Doowool Soomaaliya, oo ay kula hadleen dadka halkaasi degnaa.

50 cent oo dadka deegaanka kala sheekeystay xaaladdooda nolololeed, kadib ayuu warbaahinta qaranka u sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu Soomaaliya soo gaaro, balse uu kula kulmay daruufo aad badan oo heysta dadka degmada Dooloow ku nool, waxa uuna carabka ku adkeeyay in dadkii uu la kulmay ay ugu darnaayeen Haween qaba xanuunno kala duwan.

Fanaanka caanka ee madowga ah dhallashadiisu tahay Mareykan ayaa ballan qaaday in uu gacan ka geysan doono caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa uu kula kulmay Dooloow Soomaaliya.

Wafdiga hey’adda Cunnada aduunka ee WFP iyo fanaanka 50 cent ayaa dib uga laabtay degmada Dooloow Soomaaliya, waxaana ay noqoneysa markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya soo gaaro fanaankaasi, taasi oo ka digeysa in is badel uu ka jiro Soomaaliya maadaama ay ka abuurmeyso taariikh cusub.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xigasho Radiomuqdisho

Maakhir Media Doolow

Comments are closed