Khasaaraha Dagaalkii Gobolka Cayn.
Wararka Gobolka Cayn (M Media) Wararka ka imaanaya deegaanka uu dagaalka ka bilowday abaara 05:00 salaada subax ka dib ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in Dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.
Dhimashada ayaa waxaa laga yaabaa inay sii koroto iyadoo wararkii ugu danbeeyay ee aan deegaankaasi ka helaynana ay sheegayeen in ilaa iyo 4 ruux oo mayd ah la keenay cisbitaalka halka dad gaaraya ku dhawaad 20 ay dhaawaxyo soo gaareen.
Dhaawacyada ayaa waxaa qaarkood ay yihiin kuwo culus waxaan suura gal ah inay dadka dhaawaca culus ihi ay geeridu haleesho maadama daryeelka caafimaad ee deegaankaasi uu liito.
Dhaawacyadaan la sheegay inay qaarkood yihiin kuwo culus ayaa waxaa ay siyaadin karaan tirada dhimashada ee dadka taasina ay keenayso inaanan si rasmi ah loo xadidi karin tirada daawacada iyo dhimashada.
Dhanka ciidamda somaliland wax wara kamasoo bixin oo tilmaamaya geerida qaar kamida ciidamada walow khasaaraha cad ee soo gaaray uu yahay in ay waayeen qaar kamida gaadiidkooda dagaalka.
Warar aan lagu kalsoonayn oo ay shaacisay warbaahinta somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Buuhoodle ay gacan ku haynteeda leeyihiin ciidamada somaliland iyadoo aysan jirin wax wara oo kasoo baxay Maamulka Dagmada Buuhoolde oo ku aadan arintaani.
Sikastaba ha ahaatee maahan markii ugu horaysay ee uu dagaal dhex maro dadka deegaanka Buuhoodle iyo Ciidamada Somaliland walow dagaalkaani uu yahay mid kagadis daaaladii hore oo wakhtiga uu dagaalku bilowday iyo inta uusoconayayba ay tahay wakhti aanan horay u dhicin dagaaladii ka dhici jiray deegaankaasi.
Maakhir Media Wararka Gobolka Cayn
