Gaadiid laga qabsaday Ciidamada Somaliland oo saxafada loo soo bandhigay(Sawiro)
Wararka Gobolka Cayn (M Media) Waxaa Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn lagusoo bandhgay Gaadiid dagaal oo laga qabsaday Ciidamda Somaliland ee dagaalka Gobolka Cayn uu ku dhex maray dadka deegaankaasi.
Ku dhawaad inta la xaqiijiyay afar gaari oo ah gawaarida dagaalka ayaa waxaa ciidamada Somaliland looga qabsaday dagaal subaxnimadii saaka ka qarxay deegaano hoos taga Degmada Buuhoodle.
Mid kamida dadkii Dagaalka ku jiray ayaa waxaa uu saxaafada uga war bixiyay gaadiidka ay ka qabsadeen ciidamada Somaliland oo sida uu sheegay kusoo duulay deegaankaasi waxaa uuna sheegay in gawaaridaani ay ahaayeen kuwo kaqayb qaadanayay dagaalka ka aloosan deegaankaasi.
Ninkaani ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay inay xaqiiqtahay in ciidamada Somaliland dagaalkii ka dhacay deegaanada hoos yimaada Degmada Buuhoodle ay kaga qabsadeen gaadiidkaani loo is ticmaalo qaybaha kala duwan ee dagaalka sida mayd iyo dhaawac oo lagu qaado , ciidamada oo uu ukala qaado goobaha dagaalka , hubka oo lasaaro iyo sidoo kale in lagu baxsado.
Gawaaridaani oo saxaafada halkaasi loogusoo bandhigay ayaa waxaa ay aheeyeen :-
1)Gaari foostiite ah.
2)Sadex baron.
3)Gaari beebe ah.
Sidoo kale waxaa kamid ahaa waxyaabihii laga qabsaday ciidamada Somaliland Suug.
Dhanka Somaliland masuul u hadlay ayaa waxaa uu sheegay in khasaarahaasi uu jiro.
Halkaan Ka daawo muuqaalada gawaaridii lagasoo qabsaday Ciidamada Somaliland Guji si sawirka oo wayn ama dhamaystiran aad u aragto.
Maakhir Media Wararka Gobolka Cayn





