Masuuliyiin ka hadashay Dagaalka Gobolka Cayn.
Wararka Gobolka Cayn (MMedia) Madaxweynaha Punt land Dr.C/raxmaan oo shalay galinkii hore dib ugusoo laabtay Magaalada Garowe ee Xarunta Punt land ayaa waxaa uu ka hadlay Dagaalka Buuhoole ka bilowday Saaka aroortii.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay mar uu la hadlayay Saxaafada in dagaalka Buuhoodle uu yahay Dagaal aanan hada cusbayn ee 15 jan ay ciidamada Somaliland ay soo weerareen deegaankaasi waxaa uuna intaasi ku daray in dagaalka oo wararkiisu ay soo gaarayaan uu yahay dagaal aanan loo baahnayn maadama laga shaqaynayo nabada Dalka Somaliya waxaa uuna intaasi ku daray inay nasiib daro tahay in Maamul uu soo weeraro Deegaano Nabad ah islamarkaani uu dagaal kala horyimaado dad reer baadiye ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Halkaan ka Dhagayso Madxweynaha Punt land oo ka hadlaya Dagaalka Gobolka Cayn
Madaxweynaha Punt land ayaa waxaa uu tilmaamay inay haboon tahay in colaada lasoo af jaro maadaama shirka soomaalida loogu qabanayo London uu wakhtigiisii soo dhawaaday ayna tahay ay isasoo hor fariistaan waa masuuliyiinta Maamuladii iyagoo isku qalbi fiyow oo aynan dhicin inay iska horyimaadaan iyagoo ay colaadi dhex martay.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu intaasi ku daray inay aad iyo aad u canbaaraynayaan Dagaalka Buuhoodle oo uu sheegay inuu Nasiib daro yahay isagoona intaasi raaciyay inay uga digayaan Xukuumada aan la aqoon sanayn ee Somaliland inay falalkaasi soo cel celiso oo ay shacabka reer Magaalka ah iyo kuwa reer baadiyahaa aya weerar kusoo qaado.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxda Maamulka dhawaan taleex looga dhawaaqay ee Khaatuno State uu yahay kuwo kusoo fashilmay siyaasada dalka soomaaliya ayna doonayaan inay shacabka jah wareeriyaan.
Maamulka Somaliland Masuul u hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Dagaanka Buuhoodle ay yihiin kuwa weerarka kusoo qaaday Ciidamad Somaliland.
Halkaan ka Dhagayso Masuul katirsan Somaliland oo ka hadlaya dagaalka Gobolka Cayn
Isagoona hoosta ka xariiqay in ciidamada soomaaliland ay iska caabiyeen weerarka islamarkaana ay dib iskaga riixeen Malayshiyaatkii weerarka gaystay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in marlabaad ay Ciidamda Deegaanku isku dayeen inay weerar kusoo qaadaan Ciidamda Somaliland hase ahaatee dib loo riixay.
Maakhir Media Wararka Gobolka Cayn
