AMISOM”waxan helnay inay shabaab weraro waweyn kamaleegayan qeybo kamid ah magaalada muqdisho.
NAIROBI(MMEDIA):-Taliska ciidamada amisom ayaa sheegay inay heleen weraro aymaleegayan ururka xarakadda al-shabaab inay kagaystan meelo kamid ah magaaladda muqdisho, ee casimada dalka somalia.
Taliska Amisom wuxuu cadeeyay in Xoogaga Shabaab ay
yihiin kuwo cadow ah, ahna kuwo xilligaan diyarinayaan
weeraro hor leh oo ka dhan ah shacabka ku dhaqan Magaaladda
Muqdisho, waxayna ku baaqeyn in feejignaan la-muujiyo.
Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom
General Audace Nduwumunsi, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay la-socdaan dhaq
dhaqaqyada qaarkood ay Xoogaga Shabaab ka wadan Magalada Muqdisho, wuxuuse
sheegay inay kahor taggi doonaan.
“Amisom waxay ka war heysaa dhaq dhaqaaqyada qorsheysan ee ay kooxda Shabaab ka wado Magaaladda Muqdisho, waxaana
sameyn doonaa inaan kahor tagno si’aysan shacabka wax-
yeelo uga soo saarin” ayuu yiri General Audace Nduwumunsi.
General Audace Nduwumunsi waxa uu intaasi kudaray inay markasta utaba baran yahin kahortaga waxa uu ugu yeedhay argagixisada waxana uu sheegay inay fashilin doonan weraradani ayka war heleen.
Hadalkan kasoobaxay ciidamada amisoma ayaa imanaya ayadoo dhawan ururka al-shabaab sheegen inay iskuqarxin doonan goobo muhima oo kuyala magaalada muqdisho.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
