|

Madaxwaynaha Somaaliland Silaanyo ayaa dalka dib ugu soo laabtay isagoo mudo laba cisha ah ku maqnaa dalka Itoobiya

Madaxwaynaha Somaaliland ayaa dalka dib ugu soo laabtay Galabta isagoo mudo laba cisha ah ku maqnaa Dalka Itoobiya oo uu halkaasi kulamo kula qaatay madaxda Dalkaasii isagoo kala haldayay xaalada iyo xirirka labada dhinaca sidoo kalena waxaa socdaalkiisa ku weheliyay  Wasaaradaha  Dibada Guda,Madaxtooyada iyo Xubna ka tirsan Xukuumada.

Madaxwaynaha ayaa soo dhawayntiisa waxaa ka qayb qaatay Madaxwayne ku xigeenka C/raxmaan saylici,xildhibaano iyo shacab aad u badan  waxaana  uu madaxwaynuhu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Qalabka sida isagoo kadibna salaam qaaday dhamaan dadkii soo dhaweyay .

Kadib  salaam qaadka waxa uu u gudbay madaxwaynahu Qolka nasashada ee Garoonka diyaaradaha ee Cigaal isagoo halkaasina warbixin Kooban ka siyay Saxaafada Soo laabashadiisa waxaana uu sheegay in  uu la kulmay  Madaxda wadankaasi iyo sidoo kalena  ay kawada haleen xidhiidhka labada dal isagoo sidoo kalen sheegay in  kala hadleen amaanka.

Imaanshaha madaxwayna ee uu dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa kusoo beegmaysaa xili uu saaka dagaal xoogle ka qarxay deegaanka Sool joogto ee ku dhow Degmada Buuhoodle ee Gobolkaasi Cayn.

Maakhir Media  Hargaysa

Comments are closed