Nin sheegay inusan sexan ilaa uu telkula hadlo haweeney sicodkooda ugu sexdo(layaab)
LAYAABKA DUNIDA(MMEDIA):-Malinba waxba arki ama maqli Nin dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Nayroobi ayaa
sheegay in uusan seexan karin habeenki ilaa uu telefan kula
hadlo gabdho, si uu codkooda udhegeysto, ugu dambeyntiina u
seexdo.
Wiilkan oo aan la sheekeysanay ayaa sheegay in habeen kasta ay qasab tahay in taleefankiisa
Mobile-kiisa uu ku shubto ugu yaraan labo boqol lacagta kenya ah ama sedex boqol, isagoo wacaya numbero ay leeyihiin
gabdho uu yaqaano, si uu codkooda u maqlo.
Wuxuu sheegay in mararka qaar xitaa ay dhacdo in uu garaaco
numbero taleefano uusan aqoon, si uu ugu nasiibsado.
Mararka qaar ayuu sheegay in isaga oo maqsuud ah uu seexdo, kadib marka uu dhegeysto codad
kala duwan oo haween ah, kuwaasi oo uu sheegay in aysan qasab ahayn in uu yaqaano.
Sidan ayuu sheegay wiilkan oo naga codsadey in magaciisa laqariyo in uu isku arkey labadi sano ee ugu dambeysay, isaga
oo dhinaca kale sheegay in maalin kasta ay qasab tahay in uu raadiyo lacagta ama kaararka uu caawa balwadiisa ku wici lahaa…
Arintaani ayaa noqnayso mid cajiib ah, ayado xusid mudan tahay in aan wiil lagu magacabo
saadam oo ku nool gudaha Magalada Cape Town ee dalkaasi S.Afrika, uu iisheegay in uu
habeenkasto waco tiro intaan la’eg oo gabdho Soomaali ah ka dibna uu seexdo.
Qof waliba waxaa aay leedahay balwad siday doonto ha noqote balse balwada xaga telefanada la
wacayo ayaa qeeb ka noqatay balwada beni adaamanka leeyahiin ee soo kordhaya.
Hababa akhristoow hadii aad leedahay balwad nuucaan oo
kala ah fikradaada inoogu soo dir ciwankaan si aan anagana ugu fa,adaysano mahadsanid.
W/D Nuur Ismaaciil Sheekh
webmaster@maakhir.net
Maakhir Media Network
