Dagaal Laysu adeegsaday Hubka noocyadisa Culculus oo ka dhacay Saaka Deeganka Sool Joogto
Dagaal aad u culus ayaa ka qarxay saaka hirtii waabari deegaanka Sool joogte ee ku dhow Buhoodle waxaana uu ahaa dagaal laysu adeegsadaty Hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo halkaasina ay ka qaxen dadkii deegaanka.
Dagaalka ayaa bilowday salaadii subax kadib iyadoo ay ciidamada Somaaliland iyo ciidanka Taageersan Maamulki dhawaan lagaga dhawaaqay Taleex ee Khatumo ay isku dhaceeen waxaana laysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan .
lama garanayo khasaraha soo kala gaadhay labada dhinac balse dadka deegaanka ee agaasi ka agdhawaa oo maqlayay dhawaqa madaaficda iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoog badan ,wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalku uu hada istaagay .
Deegaanka Sooljoogto ee dagaalku ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada Somaaliland halka ay kuwa kale ee khaarumo ay ka agdhawaayeen deegaanka iyadoo aan la garanayn cida weerarka sooo qaaday balse dadka deegaanka oo ka agdhawaa meesha uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Somaaliland ay soo qaadeen dagaalka.
Wadagaalkii sadeexaad ee halkaasi ka dhacay Tan iyo intii lagu dhawaaqay khaatimo State of Somaalia waxanaa halkaasi ka dhacay dagaalo gaytay Dhimasho iyo dhawac labada dhinac Soo kala dhex gaadhay,dhanka kale wax wara wali kama soo bixin dhanka Dawlada Somaaliland iyo Khaatumaba.
Wixii waree kusugan waan idin soo gudbin doonaa ee ku saabsan Dagaalka Deegaanka Sool Joogto.
Maakhir Media Buhoodle

