|

Madaxweynaha Punt land oo Garowe kasoo dagay.

Garowe (MMedia) Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garwe kasoo dagay Madaxweynaha Punt land Dr.C/raxmaan Sh.Max’ed oo dalka dibadiisa ku maqnaa.

Madaxweynaha oo dalka dib ugusoo laabtay galinkii hore ee maanta ayaa waxaa loo galbiyay xaga Guriga Mataxtooyada ee Garowe.

Madxweynaha ayaa waxaa kasoo kicitamay Dalkaasi jabuuti oo uu kaga qab galay shirkii wadamada daneeya arimaha Dalka Soomaaliya ee loo yaqaano ICG waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Masuuliyiin uu kamid ahaa Madaxweyne ku xigeenka ahna siihayaha Xilka Maxtimo ee Punt land midane C/samad Cali Shire.

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in ay guulo kusoo dhameedeen dhamaan safaradii uu kutagay wadamada Emaaraatka Arabta UEA waxaa uuna sheegay in uu lakulmay Madaxda dalkaasi uuna kala hadlay arimaha khuseeya Punt land.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu kawar bixiyay shirkii wadamada daneeya arimaha Dalka soomaaliya waxaa uuna sheegay in shirkaasi uu muhiimad u lahaa shacabka soomaaliyeed uuna kusoo gaba gaboobay guul.

Madxweynaha Punt land ayaa waxaa uu mudooyinkii u danbeeyay kumaqnaa dalka dibadiisa isagoona kulamo la qaatay madaxda dalka UEA kana qayb galay Shirkii wadamada ICG.

Xigasho Sawirada Dunida Online

Maakhir Media Garowe

Comments are closed