|

Dowladaha Mozambique, South Africa Tanzania heshis ladagaalanka burcad badeda ah galay.

NAIROBI(MMEDIA):-dowladaha south africa musanbig iyo tansania ayaa sheegay inay iska kashanayan ladagaalanka koxaha burcad badeeda xebaha dalalkasi.

Warqoraal ah oo kasobaxay Wasaarada Difaaca dalalka Mozambique, South Africa Tanzania ayaa waxa ay kuheshiyen dagaal ka dhan ah
Burcadbadeeda Soomaalida oo iyaga Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsanba haatan wax ka qafaasha.

Wasiirada Difaaca dowladaha Mozambique South Africa iyo Tanzania Filipe Nyussi, Lindiwi
Sisulu iyo Hussein Mwinyi oo heshiiskan ku gaaray Magaalada
Dar es Salaam,ee Caasimada dalka Tanzania ayaa iyaga ku heshiiyay dabar goynta kooxaha
Burcadbadeeda Soomalida iyo dajinta qorsheyaal dagaal oo ka dhan ah Burcad badeeda Soomaalida.

War saxaafadeed kani aysosaren wasaarada Difaaca dowlada Mozambique ayaa waxa lagu sheegay in heshiiskan lagu
gaaray Magaalada Dar es Salaam uu yahay mid lagula
dagaalamayo Kooxaha Burcad badeeda.

Kooxaha Burcad badeeda Somaalida ayaa iyaga waxa ay
27 December 2010, Xeebaha Gobolka Inhambane ee dalka
Mozambique ka soo afduubteen Doon ganacsi oo lagu
magacaabo “Vega 5″ ay saarnaayeen 24 shaqaale oo 19
kamid ah ay ahaayeen
Mozambique halka sadaxna ay ahaayeen Indonisian halka labo
kale ay ahaayeen Spanish.

Waxaana Dowladda Mozambique ay sheegtay in haatan kooxha Burcad badeeda ay doontaasi u adeegsadaan soo qafaalashada
Maraakiibta Marta Xeebaha Gacanka cadan.

Heshiiskan ay wada gaareen wadamadan Mozambique South
Africa iyo Tanzania ayaa imanaya
Xili ay hore sidan oo kale ay heshiiska ka dhan ah Burcad badeeda u gaareen
wadamada Seychelles iyo India.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed