Garabka kale ee Xisbiga UDUB oo Gashaanka ku dhuftay Tagitaanka G/Kuxigeenka Xisbiga Axmed Yusuf yasin Gobolada Dalka+Sawiro
Shir Jaraa’id oo ay qabteen Garabka kale ee xisbiga UDUB oo ay goob jooog ka ahaayeen Cali waran cade iyo Xooghayaha Xisgiga ,Xildhibaana Siyaasiyin ayaa waxaa ay kaga hadleen ugu horayn Gudoomiye Kuxigeenka Xisgibaga ahna kusimaha gudoomiyaha Axmed Yusuf yaasin Tagitaanka uu gobolada ugu baxay iyadoo ay sheegeen in uu sheegay inuu Xafiisyo halkaasi ka furay.
Xoghaya Xisbiga UDUB ayaa halkaasi ka hadlay oo sheegay in aanu matalin Xisbiga gudoomiye kuxgeenka waxaana uu yidhi”Axmed yusuf yaasin waxa uu baxay gobolada oo uu leeyahay waxaan soo furayaa xafisyo uu xisbigu leeyahay ,waxaan u sheegayaa in xisbigu ay u furaayeen xafisyadooda iminkana ay nala joogaan masuuliyintii Gobolada uu ku socda hadii anu nahay xisbiga nama matali karo anaga”Sidaasi waxaa yidhi Xaghaya Xisbiaga C/xaliim.
Sidoo kale masuulyiintii halkaasi ka hadashay ay sheegeen in khilaafka xisbiga soo kala dhexgalay uu wado Gudoomiye kuxigenka ahna Kusimaha jagada Gudoomiyaha Xisbiga iyagoo sheegay “Waxa uu sugi waayay Axmed yusuf yaasin Gudoomiyaha oo imanaaya dhawaan waxaana uu ku yidhi waar isug oo khilaafka jooji balse waxa uu sheegay in ay lacagi ka baxsanayo marka khilaafkaba waxa hurinaaya waa Axmed yusuf yaasin“Sidaasi waxaa yidhi Xildhibaanadi Xisbiga udub oo goobta jogay.
Ugu danbaytii waxaa goobta ka hadlay Masuuliyiinta Gobolada xibiga UDUB oo ay halkaasi ka sheegeen in aanay taageersanayn garabka kale iyo xafiisyada y sheegeen inay ka furanayaan halkaasi waxaana ay tilmaameen in ay furanyihiin xafiisyadii Xisbiganina uu mudo jiray 10 sano ah balse maantana aan u u baahnayn in xafiisyo loo furo.
Musharaxa jagada Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Cali waran cade ayaa saxaafadu waydiisay sida uu arko shirla London iyo ka qayb galka Xukuumada “Waxaan u arkaa in aanu muhiin u lahayn Somaaliland isagoo sheegay in shirkaasi yahay mid danaha Somaaliya looga hadlayo isla markaana aanay dani ugu jirin Somaliland”Sidoo kale waxaa la waydiiyay Tagitaanka Madaxwaynaha iyo Adis ababa dalka itoobiya isagoo la sheegay in uu la fadhisanayo Cali khaliif Galayd “Hadii uu cali khaliif la kulmo waa inuu ula kulmaa nin Somaaliland ah balse maaha inuu ula kulmo maamul ahaan oo kale anagu hadii anu nahay Xisbiii Talada dalka soo hayayna waxaan leenahay markasta Somaaliland Nabada haloogu dadaalo waana taageersanahay Nabadaiyo Horumarka“Sidaasi waxa ayidhi cali waran cade .
Khilaad aa duu baahsan ayaa mudooyinkan dabe ku kala dhex jiray Xisbiga UDUB ee mucaaradka ah shirkan Jataa’id ayaa noqonaya ee ay maanta qabteen Garabka waran cade in anay matalin Garabka kale ee xisbiga oo doonaya in ay xafiis ka furtaan Gobolada Somaaliland xafiisyo uu xibigu leeyahay iyagoo sheegay in xisbigu ay u furaayeen xafiisyadoonda.
Maakhir Meda Head Office in Hargaysa Somaliland





