|

AMISOM”Waxan hada sugaynaa fasaxan goboladda dalka ugu gudubno si’an uga xorayno al-shabaab, iyo kuwa dadka dhibaya.

NAIROBI(MMEDIA):-ciidamada amisom ayaa shaaciyey inay wakhtigani tahay xilígi ay ugudbi lahayeen gobolada dalka soomaaliya si’ay uga xoreeyaan al-shabaab.

Taliyaha Ciidamadda Dowladda Uganda ee Amisom General
Bridge Bowel Lokech, oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa
wuxuu shaaca ka qaaday inay diyaar yihiin weeraro ay ku
qaadaan Shabaabka joogga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Generalkani waxa uu tilmaamay inay xiligan aysiweyn amankeeda gacanta ugu dhigeen magaalada muqdisho, loon baahan yahay inay dalka oo dhan kaxoreeyan waxa u kutilmaamay argagixisada.

Taliyaha ayaa wuxuu tilmaamay inay Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay mar walba diyaar u
yihiin, sidii ay Dowladda Soomaaliya uga saacidi lahaayeen, sidii Al Shabaab looga
saari lahaa Gobolada Koonfureed ee ay gacanta ku heyso.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay in weerarka ay ku yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose, ay mid lamid ahna ku
yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo qiray inay gacanta ku
heyso Xarakada Al Shabaab, oo uu ku sifeeyay mid nabadiid ah.

Hadalkan waxa uu imanaya ayadoo ciidamada dowlada iyo kuwa midowga africa, gacanta ku haya guud ahaan magaalada muqdisho.

mohamed Abdulahi Khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed