BAYAAN AY SOO SAAREEN ISIMADA , CUQAASHA IYO GUURTIDA BEEL-WEYNTA AADAN SICIID. [+SAWIRO]
Badhan: Shirar beryahan magaalada Badhan uga socday Isimada, Cuqaasha iyo Guurtida beesha Aadan Siciid ayaa waxa kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan arimo badan oo khuseeya gobollada Maakhir iyo mustaqbalkooda.
Bayaankan oo nuqulkiisa saxaafadda loo qaybiyey ayaa wuxu u qornaa sidan:
“ Isu imaatin aannu yeelanay hadii aannu nahay waxgaradka beesha Aadan Siciid ee ku sugan magaalada Badhan , xidhiidhna la samaynay guurtida iyo cuqaasha kale ee kala jooga meelaha ka baxsan Badhan sida Boosaaso , Hadaaftimo , Laasqoray iyo weliba jaaliyadaha dibadda , waxan ku falanqaynay marxaladda gobolada Maakhir iyo mustaqbalkooda .
Falanqayn kadib waxannu isla qaadannay arimahan :
1) Nabad Gelyada : Waxa goboladani ku caana-maaleen waa nabad gelyo , waxa horumar lagu gaadhi karaana waa nabad gelyo . sidaa darteed waxa beeshu go’aansatay iney hormuud ka noqdaan adkaynta nabad gelyada gobolada Maakhir , wixii wax u dhimaya oo amniga khal khal gelinayana ay meel uga soo wada jeensadaan . Waxyaalaha farta lagu fiiqay ayaa waxa kamid ahaa shirkadaha macdanta ee la sheegay iney goboladan imanayaan iyada oo aan beelaha Maakhir wax talo ah ka yeelan , taasna waxa lagu tilaamay iney ka mid tahay waxyaalaha nabad gelyada xumayn kara . Waxanuna beelaha kale ee reer Maakhir ugu baaqaynaa iney arintaas fiiro gaar ah u yeeshaan , kana digtoonaadaan wixii dalka khalkhal gelinaya.
2) Horumarka: Waxa beeshu soo dhoweyneysaa wax alla iyo wixii gobolada Maakhir lagu hor marinayo . Waxanuna kaga talo bixinaynaa in wax walba oo horumar ah qorshe iyo nidaam loo raaco loo sameeyo , lagana waantoobo wixii caadifad iyo deg-deg ku salaysan, hadhowna eed iyo kala cabasho keeni kara, iyada oo arintaasna aynu waayo aragnimo u leenahay.
3) Midnimada : Waxa beeshu taageero buuxda u haysaa wixii midnimo iyo isku duubni u keenaya bulsha weynta ku nool gobolada Maakhir , wixii midnimadaas xoojinayana waa in beeshu hormuud ka noqotaa . Sidoo kale waxa beeshu ka digaysaa wixii wiiqaya midnimada , tafa-raaruqna u keenaya bulshada , taasoo inta badan ka timaadda xagga siyaasiyiinta oo bulshada ku kala kaxaysa waxaan laga tashan iyo dano gaar ah. Waxa kale oo beeshu ka digaysaa in rabitaanka bulshada lagu majare habaabiyo dan kooxeed iyo waxaan laga tashan la iskuna waafaqsanayn sida : In maamul u gaar ah loo sameeyo gobolada Maakhir oo aan ku iman talo la bisleeyey oo loo dhan yahay.
4) Soo Dhoweyn: Waxa beeshu soo dhoweyneysaa shirarka wada tashiga ah ee u socda beelaha reer Maakhir qaarkood , waxanuna ka filaynaa iney qaataan mawqifyo kan la mid ah .
Magacyada Isimada , Cuqaasha iyo Guurtida :
1) Ugaas Ibraahim Cali Shibiin.
2) NB. Maxamuud Cabdalla Dabshid.
3) NB. Xasan Faarax Maxamuud.
4) NB. Jaamac Maxamuud Maxamed.
5) NB. Maxamuud Faarax Ducaale.
6) NB. Cabdalle Ciise Xuseen
7) Guurti : Axmed Maxamed Faarax ( Haaruun )
8) Guurti : Maxamed Faarax Axmed ( Xaaji Dhuluc) .
9) Guurti : Shire Saalax Axmed .
10) Guurti : Aadan Cabdi Jaamac.
11) Ganacsade : Caydiid Jaamac Dibad.
12) Ganacsade : Axmed Siciid Xasan.
13) Ganacsade : C/raxmaan Maxamed Cali (Sucuudi)
14) Ganacsade : Cabdi Maxamed Xasan ( Qoslaaye)
15) Guurti : Siciid Jaamac Xuseen (Daara-sacad)
16) Guurti : Mustafe Maxamed M. Maacir.
17) Guurti : Axmed Cabdi Maxamed (Yey)
18) Guurti : Cabdi Yuusuf Maxamed
19) Guurti : Siciid Ibraahim Cashare.
20) Guurti : Maxamed Cali Maxamed ( Dhega-juun)
21) Guurti : C/qaadir Muuse Bidaare .
22) Guurti : Cabdalle Maxamed Faarax .
wa billaahi tawfiiq
NB. Maxamuud Faarax Ducaale : Telefoon : 756058
NB. Xasan Faarax Maxamuud : Telefoon :764468



Source:Hadaaftimo.com
Maakhir Media Badhan
