Warculus:warlaga soosaaray shirkii kooxda ICG uga socdey dalka Jabuuti.
NAIROBI(MMDIA):-Dalka Jabuuti
ayaa waxaa maanta oo Isniin ah lagu soo gabgabeeyay shirkii
kooxda xiriirka caalamiga ee Somalia ICG, kaasoo looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin; sidii lagu fulin
lahaa Roadmap-ka iyo sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd xilliga
KMG ah.
Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Jabuuti ayaa waxaa
looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha
amniga, gaar ahaan sidii loo siiwadi lahaa howl-gallada looga
soo horjeedo Al-Shabaab, sidii shacabka Somaaliyeed ee kunool degmoyin ka iyo gobollada laga qabsaday Al-shabaab nololloogu abuuri lahaa iyo shirka
London ka dhacaya bisha Feberaayo 23-keeda sannadkan.
Qodobbada shirka kasoo baxay ee la isku afgartay waxaa ka mid ah: In xilliga kala guurka ah lasoo
afjaro marka la gaaro 21-ka bisha Ogoosto ee sannadkan, isla
markaana la dardar-geliyo dhameystirka dastuurka iyo dib u
habeynta barlamanka iyadoo baarlamaanka cusub ee lasoo xulayana u noqdo mid tayo leh oo shurudaha looga mid noqonayo ay ka mid yihiin: heerka waxbarashada, in shaqsigu uusan ahayn dambiile, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale, waxaa dhinacyadii shirka ka qaybgalay ay isku
raaceen in laga hortago in la xagal-daaciyo howlaha horyaalla xukumadda, iyadoo ciddii ka
hortimaadda la isku raacay in sharciga lala tiigsado.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/ weli Maxamed Cali oo shirka soo xiray ayaa ka codsaday dhammaan ka qayb galayaashii shirka inay mowqif mideysan ka istaagaan shirka London, gaar ahaan dhinaca xoojinta ciidamda Soomaalida iyo sidii hay’adaha
amniga dib loogu dhisi lahaa, sidoo kalena loo fulin lahaa
Roadmap-ka iyo heshiiskii Garoowe lagu gaaray.
Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socda dalalka daneeya arrimaha dalka Soomaaliya,
waxaana dhammaan xubnihii ka qaybgalay ay ka dhoofeen Jabuuti, iyadoo lagu wado in ra’iisul wasaaraha Somaaliya iyo wafdigiisu ay berri kasoo.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
