Madaxweynaha Somaliland oo lafilayo inuu kadago dalkaasi Itoobiya.
Hargeysa (MMedia) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdi uu hogaaminaya ayaa waxaa ay kadhoofeen Garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay intuusan garoonka Diyaaradaha ka duulin ayaa waxaa uu sheegay in safarkoodaani ku wajahan dalka Itoobiya ujeedidiisu ay tahay sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen Madaxda dalkaasi Itoobiya.
Waxaa uuna sheegay Madaxweynuhu inay kala hadli doonaan iskaashiga labada dal iy sidii ay iskaga caawin lahaayeen dhanka amaanka isagoona intaasi raaciyay in arimaha ay kawada hadlayaan ay kujirto arinta ka soo cusboonaatay Gobolka Cayn Sool iyo Sanaag ee Khaatumo.
Madaxweynaha ayaa waxaa Safarkiisaan ku weheliya Wasiiro kakala tirsan wasaarado dhowr ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasiiradda arrimaha dibada, arrimaha gudaha iyo madaxtooyadda.
Madaxweynaha oo ay saxaafadu su’aalo halkaasi ku waydiisay ayaa waxaa uu kaga jawaabay su’aal ahayd socdaalkiisani bal in qorshihiisu uu yahay sidii ay u wada hadli lahaayeen Kooxda Khaatuma seeg, ayaa waxa uu sheegay in hadii danta qaranka Somaliland ay gasho ay lala hadli doonaan.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa uu qaadan doonaa Mudo labo maalood ah iyadoo arimo muhiimana uu Madaxweynuhu kala hadli doono Madaxda dalkaasi Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa saacadaha soo aadan inuu kadago dalkaasi itoobiya safarkaani ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Xukuumada Somaliland ay ogolaatay inay ka qayb gasho Shirka Soomaalida loogu qabanayo Dalkaasi Ingiriiska.
Maakhir Media Hargeysa.
